Xiisad siyaasadeed oo kasoo cusboonaatay Somaliland

Image
Xiisaddan ayaa ka dhalatay hadal dhowaan kasoo yeeray xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa sheegay in uu furayo ururada siyaasadda. Xisbiyadda mucaaradka waxay kasoo horjeedaan ajandahan maadaama ay soo dhow-dahay doorashadda madaxtinimadda.

Xisbiyadda mucaaradka Somaliland ayaa si deg-deg ah waxay uga hor-yimideen dhawaqa kasoo yeeray xukuumadda Muuse Biixi Cabdi oo ahaa la furayo ururadda siyaasadda.

Hogaanka xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo shir jaraa'id ku qabtey Hargeysa ayaa hadalka xukuumadda Biixi ku sifeeyay "sharci darro iyo khiyaano qaran" ayna horseedi karta cawaaqib-xumo.

Xirsi Xaaji Xasan, guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo kamid ah madaxda xisbiyadda ee hadashay, ayaa hoosta ka xariiqay in furida xisbiyadda ay kaliya guul-darro u horseedeyso xisbul-xaakimka KULMIYE.

"Sharci Golaha Wakiillada horyaalla oo laga doodayo in laga hadlo waxaanu u aragnaa sharci darro iyo farogelin. Waxaan arkayay wasiirka oo lahaa Madaxweynuhu wuxuu aamminsan yahay waxaanu leenahay aragtidaadu cidna ma khusayso ee dalku sharci buu leeyahay haddii la ixtiraami waayo Sharciga cawaaqibka ka dhalan kara waa la garanaya," ayuu yiri.

Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka UCID oo ka hadlay shirka jaraa'id, ayaa ku hanjabay in ay qabanayaan shir looga tashanayo sidii loo ridi lahaa Biixi haddii uu ka tanaasuli waayo ololaha uu bilaabay.

Somaliland oo madax-banaani sheegata tan iyo 1991-dii ayaa haatan waxaa ka jira saddex xisbi kuwaasoo laba kamid ah ay mucaarad yihiin. Xisbiga talada haya wuxuu guuldaro kala kulmay doorashooyinkii ugu dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM