Xiisada doorashada Somaliland oo ku dhow gacan ka hadal

Image
Mulkiilaha maqaaxi shaaha laga cabo, oo ay ku kulmeen hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa xabsiga loo taxaabay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Somaliland ayaa maanta oo Axad ah la soo dhoobay wadooyinka magaalada Hargeysa kadib markii mucaaradku wacad ku mareen inay qabanayaan isu soo baxyo ay mamnuucdey dowlada Somaliland.

Mulkiilaha maqaaxi shaaha laga cabo, oo ay ku kulmeen hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa xabsiga loo taxaabay, mucaaradka ayaa ku baaqay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeyey inuu ka danbeeyo qorshaha dib u dhigista doorashada madaxtooyada Somaliland ee loo asteeyey inay qabsoonto 13-ka bisha Novembar ee sanadkan taas oo ah xeelad uu ku doonayo inuu talada mamaulkaas ku sii hayo in ka badan 5 sano. 

Mucaaradka oo abaabul xooggan ka bilaabay caasimadda Hargeysa waxay ka codsadeen taageerayaashooda inay isu soo baxaan oo ay mujiyaan diidamada go’aanka Villa Hargeysa.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Somaliland oo la hadlay taageerayaashiisa oo isugu soo baxay Maqaaxi ku taalla Hargeysa ayaa sheegay in ay ka go’an tahay qabsoomidda Dibadbaxa uu ku dhawaaqay.

“Isu-soobaxa nabadgalyo waa xaq dastuuri uu shacabka leeyahay oo cidi aanay ka qaadi Karin, isusoo baxaas wuu dhacayaa aniga ayaa hoggaaminaya, ciddii xabbad ku rideysa Shacab dibadbaxaya oo aan hubeysneen hasoo rido, Muuse Biixi waxa aan leeyahay xilka xoog kuma qabsan ee qabo doorasho, haddii aad ku guuleysatid joog haddii lagaa helana dhiib, muddo kordhin ma jirto ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ayaa tagay Hargaysa iyada oo ku booriyay Muuse Biixi in uu qabto aan dib u dhac lahayn oo dimoqoraadi ah.

Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya inteeda kala ka go’day sanadkii 1991 ayaa si iskeed ah isku xukumaysay 30 sano ee la soo dhaafay majirto aqoonsi heer caalami ah iyo gobolka oo ay aduunka ka heshay maadaama loo aqoonsanyahay mid ka mid dowlad-goboleedyada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM