Xildhibaan hore oo lagu xiray Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Booliska Somaliland ayaa Garoonka diyaaradaha Hargeysa ku xiray Xildhibaan hore oo ka yimid magaaladda Muqdisho.

Ibraahim Rayte ayaa looga shakiyay inuu ka qeybgalay doorashadii maalmo kahor ka dhacay Muqdisho, islamarkaana uu kamid ahaa ergadii afka duubtay ee Afisyooni ku doortay 11-ka Senator.

Rayte ayaa kasoo mid noqday Baarlamaankii ugu dambeeyay ee Somaliland, wuxuuna mudooyinkii dambe ku sugaa Caasimadda Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn sababta. 

Somaliland ayaa inta badan xirta dadka taageera midnimada Soomaaliya iyo kuwa booqda Muqdisho, maadaama ay horey u sheegtay inay ka go'day dalka, waxayna mudo 30 sano raadinaysa aqoonsi caalami ah.

Xildhibaanada matela gobollada waqooyi waxaa lagu doortaa Muqdisho, maadaama aysan tagi karin degaanada ay kasoo jeedaan cabsi ay ka qabaan in la xiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM