Xildhibaan SL ka tirsan oo baaq u diray xukuumada Biixi

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Guddoomiye xigeenka labaad ee golaha Wakiilada Somaliland, Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil ayaa baaq ka diray xaalada colaada xukuumada Muuse Biixi ka abaabulayso Oog.

"Waxaan ku baaqayaa meeshaas in aan dagaal danbe lagu qaadin oo colaad danbe laga samayn".

Soo jeedinta gudoomiyaha ayaa imaanaysa xilli maamulka Somaliland uu maleeshiyo Beeleed ku aruurinayo magaalada Oog.

Golaha sare ee Isimada SSC-Khaatumo ayaa horey Somaliland ugu baaqay in ay Nabad qaadato isla markaana ka waantoobo madaxweyne Muuse Biixi hurinta colaad.

Dadka arimaha indhaha ku haya ayaa ka digaya in Colaadu u gudubto reer guuraaga isla markaana ay noqoto mid reebta mahadhooyin Bulsho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM