Xisbiga Kulmiye oo qaadacay midowga WADDANI iyo UCID

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiga talada haya ee Somaliland ayaa wuxuu si adag uga hor-yimid isbaheysiga siyaasadeed ee ay ku dhawaaqeen darafyada kasoo horjeeda ee WADDANI iyo KULMIYE.

Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, afhayeenka xisbiga Kulmiye oo u waramay warfidiyeenka maxaliga ah, ayaa wuxuu sharci darro ku tilmaamay isbaheysigaas lagu dhawaaqay Axadii shalay ahayd.

Sida laga soo xigtay Mr Buuni, talaabada ay xisbiyada mucaaradka qaadeen ayaa ah mid lagu "lagu curyaaminayo dimuqraadiyada curdanka ah" ee maamulka gooni-isu-taaga ah.

"Dimuqraadiyadda waxaa ka mid ah mudanaha bulshada Somaliland ay soo dooratay ayaa awooddiisii la qaaday oo xisbiyo intay hoteel fariisteen ku heshiiyeen, taa ayaa ah mid dimuqraadiyadda lagu curyaaminayo," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxa ay aheyd in sida xisbiga Kulmiye oo kale ay bannaanka ka joogaan arrintaas oo inta waqtiga qaanuunku jideeyay eegaan oo mudanayaasha loo daayo awooddooda sharci ee ah in marka golaha ay soo fariistaan ay cidda ay rabaan doortaan."

"Xisbiyada maanta layliga ah oo qaarkoodba maanta doorashada wawiillada ay kow u tahay ayaa ah kuwa qaanuunka dhinac maraya khalkhalkuna uu soo wajahay, oo iyadoo aan la gaarin in la doorto shir guddoon suuqa ku sii heshiiyay oo awooddii golaha iyo mudanayaasha soo socda ee qiimaha badan ee maanta Somaliland oo dhan u riyaaqsan tahay inay laba nin iyo dad ay wataan ku sii heshiiyaan waa taa tan khalkhalka keenaysaa," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

WADDANI iyo UCID oo haysta aqlabiyada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku heshiiyey in ay iska kaashadaan dhismaha dowladaha hoose iyo ku guuleysiga afhayeenka Aqalka oo si weyn loogu tartamayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM