Xisbiyada Somaliland oo lagu qasbay in ay ka heshiiyaan doorashada

Image

HARGEYSA, Somaliland – Saddex xisbi ee ka jira Somaliland ayaa waxay ugu dambeyntii heshiis ka gaareen isqabqabsigii ka jiray doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

Heshiiska waxaa dhinacyadda ku cadaadiyey in ay saxiixaan Beesha Caalamka gaar ahaan Midowga Yurub.

Ku dhawaaqista heshiiska ayaa timid kadib kulamo albaabada u xiran yahay oo danjiraha EU-da uu la yeeshay madaxweyne Biixi iyo hogaamiyeyaasha xisbiyadda.

Doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka ayaa lix jeer dib u dhacay lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Qoraalka heshiiska oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online waxaa ku cad in doorashooyinku ay qabsoomayaan sanadkan 2020, taasoo ahayd dalabka xubnaha mucaaradka.

Sidda ku xusan warqadda, waxaa doorashadda qaban doona guddi isku dhaf ah oo saddex xubnood oo kamid ah ay soo xulan doonto Beesha Caalamka.

Deeq-bixiyeyaasha caalamka ayaa saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku leh maamulkaas gooni u goosadka ah.

Isagoo la hadlayay Golaha Ammaanka, James Swan, ergayga UN-ka ee arrimaha Soomaaliya, wuxuu ku adkeystay ahmiyada ay leedahay in doorashooyinka aysan dib u dhac kale la kulmin sanadkan.

Hoos ka akhriso heshiiska

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM