XOG: Muuse Biixi oo Heshiis Dekad si qarsoodi ah ugu saxiixay Abiy Axmed

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Wararaka ka soo baxaya safarkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku tagey Addis Ababa ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo uu la yeeshey Abiy Axmad lagaga hadlay sidii dalka Itoobiya u isticmaali lahaa xeebta magaalada Saylac halkaas oo la rabo in dekad laga dhiso.

Sida warsidaha Garowe Online u sheegeen ilo xogogaal ah ee ku dhow Madaxtooyada Somaliland, Madaxweynaha Somaliland ayaa kulanka gaar ah la qaatey Abiy Axmad waxaa aan gabi ahaanba aan ku wehelin wafdigii la socdey. Muuse Biixi ayaa kulankaas waxaa lagu hordhigey inuu saxiixo heshiis.

Xogtaan ayaa sheegeysa in dalabka la hordhigey Muuse Biixi uu qayb ka ahaa heshiiskii Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey Farmaajo kula saxiixdey Magaalada Muqdisho sanadkiii 2018 Abiy Axmad kaas oo ahaa in dalka Soomaaliya iyo Itoobiya wada maalgashadaan 4 dakadood.

Heshiiskaan ayaa qodobkiisa 7aad waxaa uu dhigayey in labada dal ay si wadajir ah u maalgashadaan 4 dekadood ee ku yaal dalka Soomaaliya.

Laguma sheegin heshiiskaan dekadaha ay noqonayaan kuwa la maalgashanayo balse sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxaa kamid ah in dekad laga dhiso magaalada Saylac oo kaabiga ku haysa xuduudka dalka Soomaaliya la leeyahay dalka Itoobiya gaar haan degaanka qowmiyada oramada kuwaas oo uu ka soo jeedo Abiy Ahmad.

Sida xogta sheegeyso Muuse Biixi iyo Abiy Axmad ayaa xiriirkoodu xumaa tan iyo intii uu burburey wadahadalkii wadanka Jabuuti ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo Farmaajo kaas oo uu garwadeen ka ahaa Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya.

Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan Muuse Biixi ayaa kulankaas qodobadii uu diidey waxaa kamid ahaa inuu saxiixo heshiis qeexaya in dalka Itoobiya Isticmaalo dekad laga dhiso magaalo xeebeedka Saylac.

Madaxweynaha Somaliland Muuse oo isu diyaarinaya sidii mar labaad loogu dooran lahaa xilka ugu sareeya maamulkaas ayaa xiligaan waxaa loolan siyaasadeed oo adag kula jira xisbiyada mucaaradka ah.

Wararka ayaa sheegaya in Muuse talaabadaan qaado ay ku khasabtey baqdin uu ka qabo in doorashada soo socota kaga guuleystaan xisbiyada mucaaradka oo tageero siyaasadeed ka hela Abiy Axmed.

Dhinaca kale waxaa magaalada Hargeysa maalintii shalay ka duuley musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Wadani Cabdiraxman Cirro iyadoo la sheegey in martiqaad uu ka heley Ra’isal wasaaraha dalkaas Abi Axmad.

Lama sheegin sabab keentey in maalin kadib markii Muuse Biixi kasoo noqdey Addis Ababa musharax Cirro safar ku aado dalka Itoobiya. Balse warar ayaa sheegaya in lagala hadli doono qodobadii ay isla-garteen Muuse Biixi iyo Abiy Axmad.

Mucaaradka Somaliland ayaa gacanta ku haya awooda siyaasadeed ee Barlamanka maamulkaas taas oo caqabad ku noqon karta hehsiis walba oo Madaxtooyadu la soo gashl dalka Itoobiya.

Dalka Itoobiya ayaa gayb ka ah heshiiska wadaaga ah ee Dekada Berbera iyadoo dalkaas oo aan laheyn Badd badeecadaha qaarkood kala soo dago magaalo xebeedkaas.

Sidoo kale wararka ku wareegsan safarkii Biixi ku tagey Itoobiya ayaa sheegaya in Faisal wasaare Abiy Axmad kala hadlay Biixi lacago la sheegey iney Somaliland u soo wareejiyeen maalqabeeno kamid ah qowmiyada Tigreega kuwaasoo dowlada Itoobiya ugaarsaneyso sanadkii ugu dambeeyey dalka Itoobiya ayaa waxaa muddo sanadka socdey dagaal sokeeye ee oo ka bilowdey kadi markii Dowlada Itoobiya weerar ku qaadey Gobolka Tigreega kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof islamarkaana ku barakaceen malaayiin kale.

Halkan Hoose ka Daawo Warbixinta u gaarka ah Garowe Online.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM