Xukuumada Biixi oo ka jawabatey go'aanka xisbiyada mucaaradka

Image
Wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin, ayaa weerar afka ah ku qaadey axsaabta WADDANI iyo UCID.

HARGEYSA, Somaliland - Xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag waxay kaga jawaabtey go'aanka kasoo baxay xisbiyada mucaaradka aqoonsiga kala laabteen hogaamiyaha maamulkaas.

Maxamed Kaahin, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka dhigay in ay "ceeb ku tahay mucaaradka hadalka kasoo yeeray".

“Xisbiyada mucaaradkan mar walba waxay ka shaqeeyeen talada xukuumadda talada haysa laakiin sida caawa cadaatay in ay caawa ku mucaarad yihiin madaxweynaha iyo xisbigiisa laakiin waxay ku mucaarad yihiin qaranka," ayuu yiri.

Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuux-sadey in mucaaradka looga baahan yahay in ay u diyaar-garoobaan doorasho, hase ahaatee, ma uusan fahfaahin dhawaqaas kasoo yeeray.

“Waxaa ayaan darro ah in dadkii dalkan in ay hogaamiyaan in ay sheegaan in ay Somaliland ku tilmaamaan meel aan doorasho ka jirin," ayuu tibaaxay Kaahin oo aad ugu dhow Biixi.

Murashaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Ciro, ayuu si gaar ah u bartilmaameedsadey wuxuuna xasuusiyey in mudadii uu ahaa afhayeenka baarlamaanka uu kororsi sameysay.

"Waxaan leenahay Cabdiraxmaan Ciro markii aan Golaha Wakiilada joogtey muddo kordhinta ma xalaal bay ahayd markii aad kasoo tagtayna ma xaaraan bay noqotey," ayuu ku gar-naqsadey.

Dhawaqan xisbiyada mucaaradka ayaa yimid xilli uu dhamaadey muddo xileedka sharciga ah ee madaxweynaha Somaliland taasoo ku beegneyd shalay oo ay taarikhdu ahayd 13-ka bishan November, sanadkan 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM