Xukuumada Siilaanyo oo adkeysay amaanka garoomada.

Image

HARGEYSA--Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo lagu soo rogay dadka rakaabka ah ee diyaaradaha ka raacaya Madaaradda Somaliland, waxana ay mamnuucday agab badan oo diyaaradaha lala raaci jirey.

Wasiirka wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo saxaafadda la hadlay ayaa shaaciyey in dhammaan Madaaradda Somaliland laga mamcuunay in lala soo galo agabka ay kamid yiihiin Subaga iyo waxyaalaha kale oo dareera. 

Wasiir Caddaan waxa uu sheegay in tallaabooyinkan kor loogu qaadayo ammaanka garoomada  uu hore ugu qorshaysnaa, balse uu kusoo beegmay xilli ay dhagaha Soomaalida iyo kuwa caalamkaba kasii guuxayaan qaraxii  aan guulaysan ee dhawaan lala beegsaday diyaaradda Daallo oo kasoo duushay garoonka Muqdisho kuna sii jeedday Djibouti.

GAROWEONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM