Caro ka dhalatay fal lagu gubay nuqul kamid ah Kitaabka Qur'aanka

Image
Qaar kamid ah dowladaha Islaamka ayaa falkan waxay ku tilmaameen "daandaansi".

DOOXA, Qadar - Xubno ka tirsan kooxda midig-fog ee dalka Denmark ayaa Jimcihii lasoo dhaafay gubay nuqul kamid ah kitaabka Quraanka Kariimka ah, sidda ay muujiyeen muuqaalo aad ugu faafay baraha bulshadda.

Kooxdan oo loo yaqaan Patrioterne Går Live (The Patriots Go Live) ayaa falkan ku baahisay Facebook Live. Sidoo kale waxay soo bandhigeen boorar ay ku qoran yihiin Islaam naceyb, waxayna ku gubeen calanka Turkiga afaafka hore ee safaarada dalkaas.

Dalal badan oo Muslimiin ah ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin falkan waxaana ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in wax laga qabto "ficilada noocaan ee daan-daansiga ah".

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa dhacdadan ku tilmaantay "dambi naceyb," waxayna sheegtay in Ankara aysan aqbali doonin "falalka xun xun ee la ogolaado iyada oo la qarinayo xoriyadda hadalka".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jordan ayaa cambaareysay tallaabadaas, waxayna dhacdada ku qeexdey "fal aan la aqbali karin oo cunsuriyad ah oo kicinaya dareenka Muslimiinta, gaar ahaan bisha barakeysan ee Ramadaan."

Qatar waxay sheegtay in falalka Patrioterne Går Live ay yihiin "fal kicin oo halis ah oo lagu kicinayo dareenka in ka badan laba bilyan oo Muslimiin ah oo ku nool dunida, gaar ahaan bisha barakeysan ee Ramadaan."

Bishii Jannaayo, Rasmus Paludan oo haysta dalalka dhalashada Denmark iyo Sweden ayaa nuqul ka mid ah Qur'aanka ku gubay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee Stockholm, kadibna mar kale masaajid hortiisa ku gubay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM