Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain
LONDON — Qoyska Professor Jason Arday ayaa sheegay in aqoonyahankaasi uu sannado badan la kulmayey olole joogto ah oo lagu dhaawacayo sumcaddiisa, kaas oo ugu dambayn saameyn weyn ku yeeshay isaga iyo qoyskiisa.
Arday, oo 41 jir ahaa, maydkiisa ayaa la helay Jimcihii, wax yar kadib markii uu iska casilay xilkii uu ka hayey Jaamacadda Cambridge. Iscasilaaddiisa waxaa ka horreeyey eedeymo la xiriira xatooyo aqooneed iyo su’aalo laga keenay qaar ka mid ah waxqabadkiisa aqooneed iyo hawlihiisa samafalka.
Wuxuu ahaa borofisarkii Madowga ahaa ee ugu da’da yaraa ee abid ay Cambridge magacawdo. Kahor inta aysan eedeymuhu soo bixin, Arday wuxuu ahaa aqoonyahan iyo shaqsi dadweyne oo si weyn loo qadariyo. Hase yeeshee, muddo gaaban gudaheed, wuxuu bartilmaameed u noqday boqolaal warbixinood iyo faallooyin su’aal gelinayey kalsoonidiisa iyo shakhsiyaddiisa.
Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray. Waxay sheegeen in ololihii macluumaadka khaldan iyo weerarradii joogtada ahaa ay noqdeen kuwo uu xamili waayey.
“Waxaan ku jirnaa naxdin kadib markii aan weynay aabbe, lammaane, walaal, adeer iyo wiil cajiib ah,” ayaa lagu yiri bayaanka qoyska oo uu baahiyey daabacaha Simon & Schuster UK.
Qoysku waxay warbaahinta ka codsadeen inay ixtiraamto asturnaantooda, isla markaana la joojiyo waxa ay ku tilmaameen olole dhibaatayn ah oo muddo dheer lagu hayey Arday iyo qoyskiisa.
Geeridiisa ayaa Britain ka dhalisay murugo iyo dood ku saabsan in qaabkii warbaahintu ula dhaqantay uu ahaa mid aan dheellitirnayn. Dad badan ayaa sidoo kale su’aal geliyey in midabkiisu door ku lahaa baaxadda iyo adkaanta weerarradii loo geystay.
Ra’iisul Wasaaraha Britain, Andy Burnham, ayaa geerida Arday ku tilmaamay “musiibo dhinacyo badan leh.” Wuxuu sheegay inaan la joogin xilli lagu degdego gunaanad, balse loo baahan yahay in dib loo milicsado sida ay xaaladdu heerkan ku gaartay.
Jaamacadda Cambridge ayaa markii hore difaacday Arday, balse markii ay sii xoogaysteen eedeymaha iyo cadaadiska warbaahintu, waxay horaantii bishan furtay baaritaan gudaha ah. Jaamacaddu waxay sheegtay inuu xilkiisa sii hayn karo inta baaritaanku socdo, laakiin Arday ayaa go’aansaday inuu isla markiiba iscasilayo.
Warqad furan oo uu horaantii Agoosto soo saaray ayuu ku sheegay in wixii uu la kulmay aysan ahayn dhaliil aqooneed oo caadi ah, balse ay isu beddeleen weerarro shaqsiyadeed, eedeymo joogto ah iyo mala-awaal dadweyne oo saameyn culus ku yeeshay isaga iyo dadka uu jeclaa.
Sir Simon Baron-Cohen, oo ah cilmi-nafsiye caafimaad kana tirsan Cambridge, isla markaana agaasima Xarunta Cilmi-baarista Autism-ka, ayaa sheegay in xaaladda caafimaadka maskaxda ee Arday ay sii xumaanaysay tan iyo markii ay eedeymuhu bilowdeen.
Baron-Cohen wuxuu BBC Radio 4 u sheegay in Arday lagu hayey cadaadis aan kala go’ lahayn, iyadoo la jees-jeesayey laguna dadaalayey in la burburiyo kalsoonida dhinac kasta oo noloshiisa ka mid ah.
Wuxuu Arday ku tilmaamay nin naxariis badan, daryeel badan oo deeqsi ah, balse warbaahinta loogu sawiray qof xatooyo aqooneed sameeyey, beenaale iyo khiyaanoole. Sida uu sheegay, Arday wuxuu u baahnaa ilaalin, taageero iyo tixgelin ku habboon xaaladdiisa.
Baron-Cohen ayaa sheegay inuu xiriir la lahaa Arday kadib iscasilaaddiisa, farriintii ugu dambaysayna uu ka helay subaxnimadii Jimcaha. Farriintaas ayuu sheegay in Arday ku muujiyey inuusan xaaladda sii xamili karin.
Wuxuu ku baaqay in baaritaannada socda loo daayo inay xaqiiqada soo bandhigaan, isla markaana la ogaado sida musiibadani ku dhacday. Wuxuu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in isla-xisaabtan uu ka dhaco heerar kala duwan.
Duqa London, Sadiq Khan, ayaa sheegay in Arday uu dhibbane u noqday olole lagu ceebaynayey oo aan la aqbali karin. Wuxuu tilmaamay in qof kale oo xaalad la mid ah ku jira laga yaabo inuusan la kulmeen heerkaas ugaarsiga dadweynaha.
Daniel Kebede, xoghayaha guud ee Ururka Waxbarashada Qaranka, ayaa isaguna sheegay in Arday lagu sameeyey burburin dadweyne oo arxan daran, taas oo fursad siisay hadallo cunsuriyadeed oo uga yimid qaybo ka mid ah warbaahinta Britain iyo faalleeyayaasha garabka midig.
Dadka dhaliilaya warbaahinta ayaa tilmaamay in Arday uusan ahayn aqoonyahankii ugu horreeyey ee Cambridge ka tirsan ee lagu eedeeyo xatooyo aqooneed, balse kiiskiisa la siiyey warbaahin aad uga ballaaran tii lagu arkay kiisaska kale.
Weriyaha iyo qoraaga Ash Sarkar ayaa barta X ku sheegtay in Arday uusan ahayn aqoonyahankii ugu horreeyey ee lagu eedeeyo xatooyo aqooneed ama qofkii ugu horreeyey ee buuggiisa nololeed ku qora sheegashooyin la isku khilaafsan yahay.
Waxayse tilmaantay inuu noqday qofkii ugu horreeyey ee arrimahaas maalmo xiriir ah looga dhigo wararka bogagga hore ee wargeysyo badan.
GAROWE ONLINE