Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Image

MUQDISHO — Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey wax-ka-beddelka lagu sameeyey dastuurka dalka, ka dib fadhi wadajir ah oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid sii xumaynaysa khilaafka jira, islamarkaana caqabad ku noqon karta hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ku dhawaaqay in cod-bixintu ay ku dhammaatay guul. Waxaa soo xaadiray 223 mudane, iyadoo ay ogolaadeen 186 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare.

Hase yeeshee, tallaabadan ayaa la kulantay mucaaradad xooggan iyo muran siyaasadeed. Dhinacyada diiddan ansixintan ayaa sheegay in go’aanku uusan ku timid heshiis loo dhan yahay (consensus), iyagoo ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn rabitaanka shacabka iyo heshiisyadii hore loo galay.

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada iyo in wadatashi ballaaran laga sameeyo qodobada xasaasiga ah ee dastuurka ka hor inta aan la gaarin meel-marinta kama dambaysta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM