Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Hussein (Guudlaawe), ayaa si rasmi ah u ku dhawaaqay inuu yahay musharrax mar kale u taagan xilka uu hadda hayo, si uu maamulkaas u hoggaamiyo shanta sano ee soo socota.

Cali Guudlaawe ayaa rajo weyn ka qaba inuu kalsooni iyo tikidhka tartanka ka helo xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbiga JSP ayaa dhowaan la wareegay hoggaanka maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ka dib markii ay guulaysteen labo musharrax oo si toos ah u taageersan Villa Somalia, kuwaas oo loo arko inay u shaqayn doonaan qaab ka duwan madaxdii iyaga ka horreysay.

Cali Guudlaawe oo xafiiska fadhiya tan iyo sannadkii 2020, ayaa wajahaya naqdiga dadka dhaliila oo ku tilmaama mid ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada dalka kuwa ugu waxtarka yar.

Waxaa lagu eedeeyaa inuu ku guuldarraystay inuu mideeyo dadka wada dega labada gobol ee uu ka kooban yahay maamulka HirShabeelle, kuwaas oo qaba kala-qaybsanaan xooggan. Sidoo kale, labadii sano ee ugu dambeeyay waxaa maamulkiisa lagala wareegay dhul ballaaran oo ka tirsan gobolladaas, kuwaas oo hadda ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe, iyadoo gobolkaas laga dareemayo taageerada uu ku leeyahay oo aad u hoosaysa.

Magaalada Beledweyne ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay isku-dhacyo iyo kacdoonno looga soo horjeedo maamulkiisa, iyadoo odayaasha iyo shacabka deegaankaas ay horey u diideen in canshuurta laga qaado magaalada loo wareejiyo xarunta maamulka ee Jowhar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM