Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Image

MUQDISHO, Juun 23, 2026 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyaysay colaadda ka taagan deegaanka Aricadeeye ee gobolka Sool, taas oo u dhexeysa laba beelood oo walaalo ah isla markaana sababtay khasaare naf iyo maalba leh.

Wasaaraddu ayaa si adag u cambaaraysay falalka gacan ka hadalka ah ee sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka.

“Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka, iyadoo lagu adkeeyay in dhinacyada ay khusayso ay mudnaanta siiyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasilloonida shacabka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, waxgaradka deegaanka iyo masuuliyiinta maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood inay door muuqda ka qaataan dejinta xiisadda, xoojinta wada-hadallada iyo raadinta xal waara.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Alle uga bariday inuu u naxariisto dadkii ku dhintay dhacdada, dhaawacyadana uu u boogo-dhayo, isla markaana shacabka ay dhibaatadu saameysayna ka dulqaado xaaladda murugsan.

Ugu yaraan 21 qof oo shacab ah oo lagu dilay weerarka ka dhacay Aricadeeye ayaa aas-wadareed loo sameeyay Maanta. Dagaalkan ayaa salka ku haya muran dhanka dhulka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM