Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Image

Muqdisho – Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sii xoogaysatay, iyadoo dowladda Federaalka ay ku eedeysay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed inay hoggaaminayeen isku day lagu afgambinayo Xasan Sheekh, halka mucaaradkuna ay sheegeen inay weerar kala kulmeen ciidamda DFS.

Eedeymahan is dhaafsiga ah ayaa yimid kadib saacado badan oo iska hor imaadyo hubeysan ay ka dhaceen guryaha Khayre iyo Sheekh Shariif ee Muqdisho, gaar ahaan Barmuudo iyo Mirinaayo, oo ku dhaw Villa Somalia. Dhowr qof ayaa ku dhintay, kuna dhaawacmey dagaalka tan iyo xalay socday.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ku tilmaamay Ciidamada hubeysan ee taageersan Khayre iyo Sheekh Shariif inay lamid yihiin kuwa RSF-ta Sudan oo u shaqeeya dowlado shisheeye , isaga oo ku eedeeyay inay doonayeen inay dowladda xoog ku ridaan.

“Isku daygii afgambi ee ay dadkan ku maleegayeen dowladda Soomaaliya waa la fashiliyay, wuxuuna hadda marayaa heer uu burbur ku dhow yahay,” ayuu yiri wasiirku.

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in hoggaamiyeyaasha mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

“Sida Al-Shabaab ay ugu gambato diinta, kooxahan waxay isku dayayaan inay ku gambadaan dibadbaxyo nabadeed iyagoo sita hub culus,” ayuu yiri.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray eedeyn kale oo ah in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku lugta leh arrintan ay u shaqeynayaan dano shisheeye, isaga oo sheegay in lagu soo kireystay Imaaraadka Carabta, hase yeeshee ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraya sheegashadan.

Dhanka kale, Xasan Cali Khayre ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud inuu amray weerar militari oo ka dhan ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

“In ka badan 20 saacadood, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu hagayay weerar militari oo joogto ah oo aan loo meel dayin, ujeeddadiisuna u muuqato dilkayga, dilka Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, odayaal dhaqameedyo badan iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo kale oo ku sugan Muqdisho,” ayuu yiri Khayre.

Waxa uu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, hubka lidka taangiyada iyo qalab kale oo militari loo adeegsaday xaafado ay dad rayid ahi ku badan yihiin, isaga oo ku dooday in hubkii loogu talagalay dagaalka Al-Shabaab loo adeegsanayo mucaaradka siyaasadeed.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu sii qoto dheeranayo muranka ka dhashay wax-ka-beddelladii dastuurka ee bishii Maarso loo saxiixay sharci ahaan.

Isbeddelladaas ayaa kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka oo afar sano ahaa kana dhigay shan sano, arrin ay si adag uga horyimaadeen madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dooday in aanay jirin is-afgarad qaran oo ku saabsan isbeddelladaas.

Qaramada Midoobay ayaa muujisay walaac ku saabsan rabshadaha sii kordhaya, iyadoo ka digtay in iska hor imaadyadu ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo burbur hantiyeed.

Iyadoo labada dhinac ay midba midka kale ku eedeynayaan inuu khatar gelinayo xasilloonida dalka, isla markaana dadaallada dhexdhexaadintu aanay weli soo saarin xal muuqda, Soomaaliya ayaa wajahaysa mid ka mid ah qalalaasihii siyaasadeed iyo amni ee ugu cuslaa tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo laabtay xafiiska sannadkii 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Barakac Ka Billowday Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Muqdisho Xilli Xiisadda Sii Kordhayso

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama hoggaanka mucaaradka oo ku saabsan barakaca la soo sheegayo.

  • Soomaliya

    03-06-2026

  • 09:27AM

Dowladda oo Ciidamo Dul Dhigtay Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka, Xiisad Ka Taagan Muqdisho

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, ciidamada ammaanka ayaa la duldhigay guryaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    03-06-2026

  • 08:37AM