Garowe Online oo ka digtay xannibaadaha Facebook, xilli Meta lagu haysto qaladaadka AI-da

Image

GAROWE – Garowe Online ayaa sheegtay inay muddooyinkii u dambeeyey la kulmeysay caqabado isa soo taraya oo ku saabsan baahinta wararkeeda ee Facebook, halkaas oo muuqaallo iyo qoraallo warar ah si isdaba joog ah loogu soo rogay xannibaado saameeyey gaarsiintooda iyo tirada dadka ay gaaraan.

Bilihii u dambeeyey waxaa sidoo meelahaas ka soo batay sheegashooyinka xuquuqda daabacaadda (copyright claims) ee lagu sameeyo muuqaallada ay Garowe Online ku baahiso Facebook, taasoo caqabado hor leh ku noqotay gaarsiinta wararka ay u gudbiso akhristayaasheeda.

Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli jaridda The New York Times ay daabacday warbixin ku saabsan sida shirkadda Meta ay si isa soo taraysa ugu tiirsan tahay Caqliga Macmalka Ah (Artificial Intelligence – AI) si uu u maareeyo kormeerka nuxurka lagu daabaco Facebook iyo Instagram, isla markaana uu u gaaro go’aannada la xiriira xannibaadaha akoonnada, tirtiridda waxyaabaha la daabaco iyo racfaannada isticmaalayaasha.

Sida ay qortay The New York Times, Meta waxay sii ballaarinaysaa adeegsiga AI-da si ay u go’aamiso akoonnada la xannibayo, waxyaabaha laga saarayo baraha ay maamusho iyo sida loo maareeyo racfaannada. Isticmaaleyaal badan ayaa sheegay in nidaamyada otomaatiga ahi ay sameeyeen go’aanno khaldan, iyadoo ay adkaatay inay helaan dib-u-eegis ay sameeyaan shaqaale aadamaha ka mid ah.

Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay Camille Hanson, oo ah macallimad Ingiriis ah oo iyada iyo ninkeeda ku lahaa ku dhowaad hal milyan oo qof oo raacsan Facebook iyo Instagram. Meta ayaa si joogto ah u xirtay akoonnadeeda kadib markii lagu eedeeyey inay jebisay xeerarka la xiriira isdabarmarin iyo marin-habaabin. Hanson ayaa sheegtay inaysan wax khalad ah sameyn, balse racfaankeedii waa la diiday, waxaana loo sheegay in dhammaan xogteeda si rasmi ah loo tirtirayo.

The New York Times ayaa sidoo kale sheegtay in Meta ay ballaarisay doorka AI-da ee kormeerka nuxurka, iyadoo isla markaana yaraysay tirada shaqaalaha dib-u-eegista sameeya. Isbeddelkan ayaa horseeday dhaleeceyn sii kordheysa, iyadoo in ka badan 60,000 oo qof ay saxiixeen codsi ay shirkadda kaga dalbanayaan hufnaan dheeraad ah iyo in racfaannada ay dib u eegaan dad, halkii si buuxda loogu tiirsanaan lahaa AI.

Meta ayaa difaacday habkeeda shaqo. Afhayeenka shirkadda, Daniel Roberts, ayaa sheegay in nidaamyada cusub ee AI-da ay sameeyaan qaladaad ka yar kuwa ay sameeyaan dib-u-eegayaasha aadamaha ah, isla markaana ay ogaadaan xadgudubyo badan. Wuxuu sheegay in shirkaddu ay weli ka go’an tahay dhimista khaladaadka iyo ilaalinta akoonnada isticmaalayaasha.

Warbixinta The New York Times ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada ay muujiyeen daabacayaasha iyo hay’adaha warbaahinta ee ku saabsan saameynta nidaamyada otomaatiga ah ee Meta ay ku leeyihiin gaarsiinta wararka ee baraha bulshada.

Inkastoo aysan jirin caddeyn muujinaysa in sheegashooyinka xuquuqda daabacaadda ee lagu sameeyey muuqaallada Garowe Online ay si toos ah uga dhasheen nidaamyada AI-da ee Meta, haddana warbixinta The New York Times ayaa dib u soo nooleysay doodda ku saabsan doorka Caqliga Macmalka Ah ee kormeerka nuxurka iyo baahida loo qabo in go’aannada muhiimka ah ay dib u eegaan aadamaha si looga fogaado in si khaldan loo beegsado saxafiyiinta, warbaahinta iyo isticmaalayaasha sharciga waafaqsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM