Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Image

MUQDISHO — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay joojisay taageeradii dhinaca amniga ee ay siin jirtay Soomaaliya, kaddib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah uga baxday heshiisyadii u dhexeeyay labada dal.

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga. “Taageerada ay dowladda Imaaraadku bixin jirtay badankeeda waxay ku koobneyd dhinaca ciidamada. Maaddaama heshiisyadii laga baxay, ma jirto sabab muuqata oo taageeradaas ay ku sii socon karto,” ayuu yiri.

Bishii Janaayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta, oo ay ku jireen kuwa la xiriira iskaashiga amniga, iyadoo ku eedeysay Imaaraadka inuu faragelin ku hayo arrimo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay in inkastoo taageerada amni la joojiyay, xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uusan go’in. Wuxuu tilmaamay in safaaradaha labada dal ee ku kala yaalla Muqdisho iyo Dubai ay si caadi ah u shaqeynayaan, taasoo muujinaysa in xiriirka guud ee labada dowladood uu weli taagan yahay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka ay qaateen uusan wax xiriir ah la lahayn eedeymaha loo jeediyay Imaaraadka ee ku saabsan faragelinta lagu sheegay inuu ku hayo dalalka Suudaan iyo Yemen, isagoo xusay in arrintu si gaar ah ugu saabsan tahay heshiisyadii labada dal u dhexeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM