Infantino: FIFA Waxba Kama Qaban Karto Kiiska Cumar Cartan

Image

MUQDISHO – Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, Gianni Infantino, ayaa sheegay in sida loola dhaqmay garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabdullaahiqaadir Cartan ay tahay arrin "laga xumaado", balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in FIFA aysan awood u lahayn inay faragelin ku sameyso go'aannada ay gaaraan dowladaha iyo hay'adaha amniga.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id, Infantino ayaa sheegay in FIFA ay isku dayeyso inay xal u raadiso xaaladda iyadoo adeegsaneysa wada-hadal iyo xiriir diblomaasiyadeed, kadib markii la sheegay in garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed loo diiday gelitaanka Mareykanka.

"Waa wax laga xumaado wixii ku dhacay Cumar, garsooraha ka socda Soomaaliya," ayuu yiri Infantino. "Mar walba waxaan isku daynaa inaan xalino xaaladaha noocan oo kale ah. Waan ka wada hadli doonnaa, waxaan la xiriiri doonnaa dhinacyada ay khuseyso, waxaana arki doonnaa waxa suuragalka ah."

Madaxa FIFA ayaa sheegay in hay'addiisu ay si joogto ah uga shaqeyso gadaasha sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka saameeya garsoorayaasha iyo ciyaartoyda, isaga oo xusay in mararka qaar buuqa iyo falcelinta degdegga ah aysan fududeyn xal u helidda arrimahan.

"Mararka qaar qaylo-dhaanta degdegga ahi kama dhigto arrimahan kuwo si sahlan lagu xallin karo," ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in FIFA ay weli ka go'an tahay inay sahamiso dhammaan waddooyinka suurtagalka ah ee lagu caawin karo.

Infantino ayaa sidoo kale tilmaamay xaddidaadda awoodda FIFA, isaga oo sheegay in hay'addu aysan waxba ka beddeli karin go'aannada madaxbannaan ee ay qaataan dowladaha.

"Annagu ma nihin boqorrada adduunka oo amar siin kara dowladaha iyo ciidamada booliska," ayuu yiri. "Waxaan nahay hay'ad isboorti, waxaana sameynaa wax kasta oo awooddeenna ku jira."

Cumar Cartan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan isboortiga Soomaaliya isla markaana ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Sanadka ee CAF 2025, ayaa noqday mid si weyn loogu hadal hayo gudaha Soomaaliya kadib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka, inkastoo dowladda Soomaaliya ay dadaallo diblomaasiyadeed ku bixisay fududeynta safarkiisa.

Kiiskan ayaa dhaliyay mowjado taageero ah oo uga yimid mas'uuliyiinta Soomaaliyeed, hay'adaha ciyaaraha iyo bulshada inteeda kale, iyadoo weli la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha ka dambeeyay go'aankaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM