Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuldareysatay inay hesho warsaxaafadeed wadajir ah ama heshiis hordhac ah oo kasoo baxa wada-hadalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ay kula yeelatay mucaaradka, kuwaas oo ay garwadeen ka ahaayeen wakiillo caalami ah, sida ay sheegeen ilo ku dhow dowladda.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Villa Somalia ay rajaynaysay in kulamadu ay soo saaraan ugu yaraan qodobbo lagu heshiiyay ama warsaxaafadeed muujinaya horumar laga gaaray xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Sida ay ilahaasi sheegeen, dowladda waxay u aragtay natiijadaas mid muhiim u ah laba arrimood oo waaweyn.
Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka, oo la filayo inuu bisha Oktoobar go'aan ka gaaro kabka miisaaniyadda Soomaaliya.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in taageeradaasi ay ku xiran tahay horumar laga sameeyo heshiiska siyaasadeed iyo maareynta marxaladda kala guurka, iyagoo intaa ku daray in Mareykanku sidoo kale uu ka biyo diiddan yahay in la sii daayo dhaqaalaha iyadoo aan la gaarin is-afgarad siyaasadeed.
Qodobka labaad ayaa ahaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka 30-ka bishan ka dhacaya Kampala la tago caddeyn muujinaysa horumar siyaasadeed.
Shirkaasi waxaa ka qeybgalaya madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo walaac ka muujinaya mustaqbalka howlgalka iyo maalgelintiisa, kaddib markii Mareykanku diiday taageerada dhaqaale, isla markaana ay soo baxeen walaacyo la xiriira mustaqbalka taageerada caalamiga ah.
Ilo-wareedyadu waxay sidoo kale sheegeen in saraakiil ka tirsan sirdoonka Turkiga iyo diblomaasiyiin ay dadaal xooggan u galeen sidii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya loogu qancin lahaa inay oggolaadaan warsaxaafadeed wadajir ah. Hase yeeshee, sida ay iluhu sheegayaan, goluhu wuxuu diiday soo-jeedimahaas, isagoo ku dooday inaanu aqbali doonin wax heshiis ah oo aan si cad u qeexayn qodobbada lagu heshiinayo.
Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo rasmi ah oo ay dowladda Federaalka, dowladda Turkiga ama Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ka soo saareen sheegashooyinkan, mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay xogta ay ilahaasi soo bandhigeen.
GAROWE ONLINE