Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Image

BAYDHABO - Saraakiisha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in tallaabooyinka ay qaadey dowladda Federaalka ay yihiin dagaal toos ah oo lagu qaadey maamulkaas, iyagoo ku eedeeyay Villa Somalia inay dalka u horseedayso dagaal sokeeye.

War -saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya u adeegsanayso Ciidanka qaranka qaab qabiil, ayna ku duminayso maamulka Koonfur Galbeed, taasoo ah arin khatar badan oo dib dhac ku noqonaysa dib u dhiska dalka.

"Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Koonfur Galbeed ayaa ka digtay in colaadda la hurinayo ay sababi doonto barakac iyo inay uga sii darto xaaladdii bini'aadanimo ee horey uga jirtay deegaanada Maamulka, oo abaar daba-dheeraatay ku dhufatay.

Hadalka Koonfur Galbeed wuxuu imaanaya xili dowladda Federaalka ku abaabulayso degmada Buurhakaba Ciidamo ugu tala-gashay inay weerar ku qaadaan Baydhabo, si xukunka looga tuuro Madaxweyne C/casiis Lafta-Gareen.

Lafta-Gareen ayaa abaabulaya doorasho, wuxuuna magacaabey gudigii qaban lahaa, xili Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya sheegtay in waqtiga Maamulka Koonfur Galbeed dhamaadey, iyadoo maamul cusub u dhistay degmada Waajid, oo katirsan gobolka Bakool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM