Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA – Midowga Afrika ayaa maanta magaalada Addis Ababa ku qabtay shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen taliyeyaasha Militariga iyo Difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka, iyagoo kawada hadlay mustaqbalka Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kadib go'aankii Mareykanka ee ahaa inuu joojinayo taageerada UNSOS marka uu dhammaado waajibaadka AUSSOM 31-ka December 2026.

Warqad rasmi ah oo ay soo saartay Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Ergada Mareykanka ee Midowga Afrika ay 1-dii July 2026 ku wargelisay Midowga Afrika in Washington aysan taageeri doonin UNSOS oo AUSSOM ka taageerta dhinaca loojistikadda iyo howlgallada.

Go'aanka Mareykanka oo Midowga Afrika hadda aad uga walaacsan, ayaa saameyn weyn ku yeelan doono saadka, howlgalka iyo maalgelinta Howlgalka AUSSOM, oo dowladda Federaalka ay aad ugu tiirsan tahay dhanka amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Kulanka oo maanta oo Jimco ah, 3-da July 2026, ka dhacay Dhismaha Julius Nyerere ee xarunta Midowga Afrika, ayaa Midowga Afrika ku soo bandhigay qiimeyn ku saabsan saameynta go'aanka Mareykanka, tallaabooyinka la qorsheynayo iyo jadwalka la doonayo in lagu wajaho xaaladda cusub.

Warqadda oo ku taariikheysan 2-da July 2026 ayaa lagu cadeeyay in kulanka loo qabtay si degdeg ah, isla markaana lagu martiqaaday xubnaha Guddiga Taliyeyaasha Militariga (Military Staff Committee) ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Shirkan xasaasiga ah ayaa looga hadlay qorshe-hawleedka degdegga ah ee Midowga Afrika iyo jadwalka tillaabooyinka xiga ee la qaadi doono.

Dalalka xubnaha ka ah guddiga ee kulankan ka qeyb galay waxaa ka mid ah Soomaaliya, Uganda, Koonfur Afrika, Aljeeriya, iyo waddamo kale oo dhowr ah, kuwaas oo ka arinsanaya sida looga hortagi karo saameynta uu go'aankan Mareykanka ku yeelan karo amniga dalka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Mareykanka ayaa u sababeeyay go'aankiisa fashilka dhanka dagaalka Al-Shabaab, oo uu sheegay in guulo la taaban karo laga gaarin dhowr iyo todoban sano oo beesha calaamka dhaqaale badan ku bixisay, sidoo kalena dowladda Soomaaliya aysan wali awoodin inay la wareegto mas'uuliyadda amniga dalka.

UNSOS ayaa AUSSOM siisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin gaadiidka cirka, shaqooyinka dhismaha saldhigyada, taageerada caafimaadka, qalabka lagama maarmaanka ah, iyo taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS. Sidoo kale, wuxuu bixiyay $1.6 bilyan oo taageero laba geesood ah oo la siiyay dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka Soomaaliya, waxaana intaas u dheer boqolaal milyan oo doollar oo lagu taageeray ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo balaayiin doollar oo kale oo lagu maalgeliyay gargaarka bani'aadannimada iyo mashaariicda horumarinta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles