Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA – Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee uu u hayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si adag u cambaareeyay tallaabadii ay Israa'iil hal dhinac uga aqoonsatay Somaliland.

War-murtiyeed wadajir ah oo laga soo saaray shir-madaxeedkii sanadlaha ahaa ee ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, hoggaamiyeyaasha Afrika waxay ku caddeeyeen in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah oo ka hor imanaya mabaadi’da aasaasiga ah ee ururka iyo xeerarka Qaramada Midoobay uu halis gelin karo nabadda, xasilloonida iyo midnimada qaaradda Afrika. 

Midowga Afrika wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhowrista xuduudaha la aqoonsan yahay ee dalalka Afrika, si waafaqsan Axdiga ururka, wuxuuna ku baaqay in wixii khilaaf ah lagu xalliyo wadahadal iyo hannaan sharci ah oo ku dhisan qawaaniinta Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale, ururku wuxuu ansixiyay bayaankii uu 26-kii Diseembar soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo si cad uga horyimid tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland dowlad madax-bannaan.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday inay aqoonsi is-dhaafsadeen Somaliland, arrintaas oo dhalisay falcelin ballaaran oo ka timid dalal badan oo Carbeed iyo qaybo ka mid ah beesha caalamka.

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM