NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Image

MUQDISHO – Hay’adda Dembi-baaristka Mareykanka (FBI) iyo Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya [NISA], ayaa si wadajir ah magaalada Muqdisho uga soo qabtay Cabdikariim Eidleh, oo ahaa nin si weyn loogu raadinayay eedeymo la xiriira musuqmaasuq baaxad leh.

Eidleh, oo 42 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu door muhiim ah ka qaatay xatooyada lacag dhan $250 milyan oo doolar. Lacagtan ayaa loogu talagalay barnaamijka quudinta carruurta ee "Feeding Our Future" xilligii COVID-19.

Sida ay sheegeen xeer-ilaalinta Mareykanka, wuxuu ahaa ninka labaad ee ugu sarreeyay hoggaanka kooxdan, wuxuuna ku lug lahaa iskudubaridka lacagaha iyo is-daba-marinta hantidaas.

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya. Waxaa lagu soo oogay dambiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

Xatooyo hanti dadweyne
Musuqmaasuq iyo laaluush
Lacag-dhaqis (Sharcidarro)

"Soomaaliya ma ahan meel ay ku dhuuman karaan dadka dambiyada gala," ayuu yiri Christopher Dotson, oo ah wakiilka gaarka ah ee FBI-da ee magaalada Minneapolis. Wuxuu intaas ku daray in qabashadiisa ay muujineyso in caddaaladdu ay gaari karto meel kasta.

Eidleh waxaa dacwad lagu soo oogay bishii Sebtembar 2022. Waxaa lagu eedeeyay inuu dhowr shirkadood oo magac u yaal ah (shell companies) sameeyay, uuna marsaday lacag federaal ah oo gaaraysa $5 milyan oo doolar.

Cabdikariim Eidleh ayaa haatan dib loogu celiyay dalka Mareykanka, halkaas oo lagu horgeyn doono maxkamad si uu u wajaho dambiyada loo heysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM