Puntland oo Cambaareysay Weerarkii lagu Qaaday Madaxdii Hore ee Soomaaliya

Image

GAROWE — Gollaha Wasiirrada ee Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay caasimadda Garowe, kaas oo uu guddoominayay Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyaas Cilmi Boqore (Luga-toor).

Kulankan ayaa si adag loogu naqdiyay hoggaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Puntland ay soo saartay digniino culus oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo caqabadaha amni ee dalka ka taagan.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee Dawladda Federaalka inay sii qoto-dheereynayaan daldaloolada dastuuriga ah ee dalka ka jira. Sidoo kale, Puntland waxay si kulul u cambaareysay iska-hor-imaadyada hubeysan ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo si toos ah u saameeyay dadka rayidka ah iyo madaxdii hore ee dalka.

War-saxaafadeedka ka soo baxay golaha ayaa si gaar ah farta ku fiiqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo loo xambaariyay mas'uuliyadda weeraradii dhowaan lagu qaaday hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Puntland waxay uga digtay dowladda federaalka in haddii aan si deg-deg ah heshiis looga gaadhin doorashooyinka dib u dhacay, ay taasi horseedi karto khalkhal iyo burbur hor leh oo ku yimaada amniga iyo siyaasadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM

Barakac Ka Billowday Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Muqdisho Xilli Xiisadda Sii Kordhayso

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama hoggaanka mucaaradka oo ku saabsan barakaca la soo sheegayo.

  • Soomaliya

    03-06-2026

  • 09:27AM