Qaramada Midoobay oo Soo Dhaweysay Wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Gollaha Mustaqbalka

Image

MUQDISHO - Howlgalka QM ee Soomaaliya (UNTAMS) ayaa soo dhaweysay bilowga rasmiga ah ee wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo ismariwaaga siyaasadeed ee dalka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo hoggaamiyeyaal mucaarad la safan, xilli xiisad siyaasadeed ay jirto islamarkaana ay ka harsan tahay wax ka yar saddex bilood dhammaadka muddo-xileedka dastuuriga ah.

War kooban oo ay soo saartay, ayay Qaramada Midoobay ku ammaantay labada dhinac dabacsanaanta iyo tanaasulka ay muujiyeen si ay u qabsoomaan wadahadalladan.

“Maadaama uu soo dhow yahay dhammaadka muddooyinka dastuuriga ah isla markaana ay jiraan arrimo qaran oo u baahan heshiis – oo ay ku jiraan doorashooyinka – waxaan dhiirrigelinaynaa in la gaaro is-afgarad dheeraad ah oo ku saleysan niyad-wanaag iyo saaxiibtinimo, isla markaana waqtigiisa ku dhaca,” ayay tiri hay’addu.

Shirkan wadatashiga ah ayaa la filayaa inuu socdo maalmo dhowr ah, waxaana looga golleeyahay in la dejiyo ajande cad oo lagu wajaho arrimaha doorashooyinka iyo dib-u-habeynta dastuurka oo muddooyinkan khilaaf xooggan ka taagnaa.

Sida ay sheegtay Villa Somalia, kulankii Khamiista waxa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda guud ee dalka, oo ay ku jiraan geeddi-socodka doorashooyinka, xasilloonida siyaasadeed, gurmadka abaarta iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo ay dowladdu ugu yeerto “Khawaarij.”

Wadahadalladan ayaa si weyn loogu arkaa kuwo go’aan ka gaari kara mustaqbalka nidaamka doorashooyinka dalka, isla markaana ka hortagi kara faaruq dastuur ah oo dhaca marka uu dhammaado muddo-xileedka hadda jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo hakisay diyaarado dalka ka shaqeynayay

Hay’addu waxay sidoo kale adkayn doontaa tallaabooyinka fulinta, iyadoo kormeerro dheeraad ah lagu sameyn doono qaabeynta kuraasta.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 09:43AM