Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Image

MUQDISHO - Wajigii koowaad ee wada-hadalladii xasaasiga ahaa ee ka socday xerada Xalane ayaa goordhow soo gabo-gaboobay, kadib markii ay muddo 4 saacadood ah foodda isku hayeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda mucaaradka.

Xaaladda hadda taagan:

Shirka Xalane: Waxaa dhinac fadhiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, halka dhinaca kalena ay wakiil ka ahaayeen Madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Kulan cusub: Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport, halkaas oo ay xubnaha kale ee mucaaradka warbixin uga siin doonaan wixii ka dhacay gudaha Xalane.

Saacadda la sugayo: Shirka Airport-ka ayaa la filayaa inuu bilaawdo 2:30 duhurnimo, waxaana la filayaa in markaas kadib ay soo baxaan xogta dhabta ah ee ku saabsan waxyaabihii laysku afgartay ama laysku mari waayay.

Weli ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac, balse indhaha oo dhan ayaa hadda ku wajahan kulanka ka furmaya Hotel Airport si loo ogaado jihada ay aadeyso doorashada dalku.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM