Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Image

MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo afjaray khilaaf xooggan oo u dhexeeyay xubno sar-sare oo ka tirsan xisbiga talada haya, isagoo dhabaha u xaaray qorshaha cusub ee doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Kulan saacado qaatay oo ka dhacay madaxtooyada, ayaa la isku raacay heshiis siyaasadeed oo lagu dejinayo loolanka xooggan ee ka dhex jiray xisbiga JSP. Madaxweynaha ayaa miiska soo saaray qorshe lagu mideynayo garabyada iska soo horjeeday si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed xilli la dhowrayo doorashooyinka.

Waxaa la isku raacay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), uu noqdo musharaxa rasmiga ah ee xisbiga JSP u tartamaya xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed. Si loo qanciyo garabka kale, waxaa Xoghayaha Guud ee xisbiga JSP loo magacaabay Xuseen Sheekh, kaas oo la rajeynayo inuu xoojiyo maamulka iyo abaabulka xisbiga.

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo. Go’aanka uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo saameynta xisbiga JSP ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo loo arko Aadan Madoobe shaqsi isku keeni kara qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in tallaabadan looga gol-leeyahay sidii loo heli lahaa hoggaan ku dhow dowladda federaalka, isla markaana xasilooni loogu soo dabbaali lahaa Koonfur Galbeed, oo ka taagan loolanka doorasho.

Qorshahan cusub ayaa durbadiiba beddelay jawiga siyaasadeed ee Baydhabo, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay u qaabili doonaan mucaaradka iyo murashaxiinta kale ee u taagan xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed. Xasan Sheekh ayaa u riday Lafta-Gareen sidii uu qof ku geysan lagaa kursiga Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM