Sirdoonka Turkiga oo Wada Dadaallo Lagu Xallinayo Khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya

Image

Muqdisho, June 8, 2026 – Saraakiil ka tirsan sirdoonka Turkiga oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay Isniinta maanta ah la yeeshaan kulan cusub hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya, iyadoo dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan lagu raadinayo xal looga gudbo ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wafdiga Turkiga uu maalmihii la soo dhaafay kulamo gaar-gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubno ka tirsan mucaaradka, kuwaas oo diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya.

Kulanka la filayo inuu saacadaha soo socda ka dhaco Muqdisho ayaa lagu wadaa in wafdiga Turkigu uu mucaaradka la wadaago natiijooyinka iyo fariimaha ka soo baxay wada-hadalladii ay la yeesheen dowladda federaalka.

Kulankan oo albaabadu u xiran yihiin, isla markaana ay ka qayb geli doonaan tiro kooban oo ka mid ah wakiillada mucaaradka, ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo horseedi karta kulan toos ah oo dhex mara Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Khilaafka la xiriira nooca iyo habraaca doorashooyinka soo socda ayaa ah qodobka ugu weyn ee hareeyay siyaasadda Soomaaliya bilihii la soo dhaafay, waxaana la filayaa inuu noqdo ajandaha ugu muhiimsan ee wada-hadallada ay Turkigu dhexdhexaadinayaan.

Turkiga ayaa muddo dheer ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta, waxaana Ankara marar badan door ka ciyaartay xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in haddii ay qabsoomaan wada-hadallo toos ah oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, ay taasi furi karto waddo lagu gaaro is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashada, isla markaana ay yareyn karto xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Doorasho La Boobo Soomaaliya Kama Dhici Karto

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale si adag uga hadlay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    07-06-2026

  • 12:42PM

Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 01:27PM