Soomaaliya: Diblomaasiyiinta Reer Galbeedka oo Cadaadis Saaray Xasan Sheekh
MUQDISHO, Soomaaliya – Diblomaasiyiin ka socda dalalka Reer Galbeedka ayaa walaac xoogan ka muujiyay habka loo maareynayo marxaladda kala guurka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqeen inuu furo wada-hadallo dhab ah oo horseeda heshiis doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda, sida ay ilo diblomaasiyadeed u sheegeen Garowe Online.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal u ah kulamadaas, wakiillo ka socday dhowr dal oo Reer Galbeed ah ayaa la kulmay madaxweynaha, iyagoo u gudbiyay fariimo ay ka sideen caasimadahooda. Fariimahan ayaa adkeynayay baahida loo qabo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, xilli Soomaaliya ay wajahayso marxalad kala guur ah oo muran badan uu hareeyay.
Diblomaasiyiinta ayaa la sheegay inay carrabka ku adkeeyeen in wada-xaajoodyo dhab ah loo baahan yahay si loo helo hannaan doorasho oo lagu heshiiyo, kaas oo ka hortagi kara xiisado siyaasadeed oo hor leh.
Sidoo kale, ilo-wareedyadu waxay sheegeen in ergooyinka caalamiga ah ay ka digeen in rabshado ka dhasha khilaafaadka siyaasadeed ay keeni karaan tallaabooyin adag oo laga qaado dhinacyada loo arko inay mas’uul ka yihiin xaaladdaas. Waxay sidoo kale xuseen in geeddi-socodka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya aanu si aan xad lahayn ugu tiirsanaan karin taageero dhaqaale oo dibadeed.
Faragelintan diblomaasiyadeed ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo murannada la xiriira hannaanka doorashooyinka.
Maalin ka hor, saaxiibbada Soomaaliya ee Reer Galbeedka ayaa soo saaray fariin wadajir ah oo ay ku sheegeen in muddo-xileedkii dowladda hadda jirta uu si dhab ah u dhammaaday, loona baahan yahay "Roadmap" (Qorshe-hawleed) cad oo dalka lagu gaarsiinayo marxaladda xigta. Waxay hoggaanka Soomaaliya ugu baaqeen in la sameeyo hannaan kala guur oo lagu heshiiyay, kadib markii ay xuseen inay dhammaatay muddadii sharciyeed ee dowladda.
Cadaadiskan diblomaasiyadeed ayaa muujinaya walaaca sii xoogeysanaya ee ay beesha caalamku ka qabto xaaladda Muqdisho, halkaas oo hubanti la’aanta siyaasadeed ay sii kordhaysay toddobaadyadii la soo dhaafay.
Ilaa iyo hadda, Madaxtooyada Soomaaliya iyo safaaradaha Reer Galbeedka midkoodna si rasmi ah ugama hadlin kulamada la sheegay inay dhaceen.
Soomaaliya ayaa horey u soo martay muranno soo noqnoqday oo ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka. Saaxiibbada caalamiga ah ayaa marar badan ku baaqay xalal lagu wada heshiiyo si looga hortago xasillooni-darro siyaasadeed, loona ilaaliyo horumarka laga sameeyay dhismaha dowladnimada iyo amniga.
GAROWE ONLINE