Turkiga oo Markabka Casriga ah ee Çağrı Bey u soo Diray Soomaaliya
MERSIN, Turkiga – Dawladda Turkiga ayaa maanta si rasmi ah dekedda Mersin uga soo dirtay markabka weyn ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaas oo ku soo jeeda biyaha Soomaaliya si uu u bilaabo hawlgal taariikhi ah oo lagu soo saarayo khayraadka saliidda ee ku jira moolka badda.
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, oo ka hadlayay munaasabaddii markabka lagu sagootinayay, ayaa hawlgalkan ku tilmaamay mid "taariikhi ah". Wuxuu sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay istiraatiijiyadda fog ee Turkiga uu ku doonayo inuu ku gaaro madax-bannaani dhanka tamarta ah iyo inuu yareeyo ku tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno.
"Maanta waxaan qaadaynaa tallaabo weyn oo dhabaha u xaaraysa madax-bannaanida tamarta ee dalkeenna. Çağrı Bey ma ahan oo kaliya markab qodis, ee waa calaamad muujinaysa horumarka farsamo iyo saaxiibtinimada xooggan ee naga dhexaysa Soomaaliya," ayuu yiri Wasiir Bayraktar.
Markabka Çağrı Bey ayaa maraya waddo dheer oo badda ah, isagoo ka gudbi doona Marinka Gibraltar, wuxuuna ku wareegi doonaa xeebaha koonfurta Afrika ka hor inta uusan soo gaarin halka uu ku socdo ee badda Soomaaliya. Safarkan ayaa la filayaa inuu qaato qiyaastii 45 maalmood, iyadoo hawlgalka rasmiga ah ee qodista ceelka ugu horreeya uu bilaaban doono inta u dhaxaysa bilaha Abriil iyo Maajo 2026.
Si loo xaqiijiyo badbaadada markabka iyo shaqaalaha saaran, Ciidamada Badda ee Turkiga ayaa galbin doona Çağrı Bey inta uu ku jiro safarka iyo inta uu ku guda jiro hawsha qodista ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Carbeed. Amnigan ayaa qayb ka ah heshiisyada iskaashiga difaaca ee horay u dhex maray Ankara iyo Muqdisho.
Tallaabadan ayaa waafaqsan aragtida Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ah in Turkigu noqdo dal soo saara tamarta uu isticmaalo. Marka laga soo tago Soomaaliya, Turkigu wuxuu sidoo kale ka shaqaynayaa:
Warshadda Nukliyeerka ee Akkuyu: In dhowaan la bilaabo dhalinta korontada nukliyeerka, taas oo dabooli doonta 10% baahida tamarta ee Turkiga.
Xogta Shidaalka ee Soomaaliya
Hawlgalka Çağrı Bey wuxuu saldhig u yahay xogtii cilmi-baadhista ee uu sannadkii hore soo ururiyay markabka Oruç Reis. Baaritaannadaas ayaa muujiyay rajo weyn oo laga qabo in biyaha Soomaaliya ay ku jiraan kayd shidaal oo aad u ballaaran, kaas oo wax weyn ka beddeli kara dhaqaalaha dalka Soomaaliya iyo kan gobolkaba.
GAROWE ONLINE