Xayeysiisyada Sigaarka Iyo Saameynta Da’yarta Ku Leeyahay

Image

The Guardian ayaa warbixin ay daabacday ku sheegaytay in cabidda sigaarku uu soo laba kacleeyay sannadahan danbe, inkastoo muddo tobanaan sanno ah la waday ololayaal looga hortagayo sigaarka.

The Guardian ayaa sheegtay in ay jiraan sababo dhawr ah oo loo aanaynayo in sigaarku noqdo mid soo jiidasho leh. Sababahaas waxaa u horeeya baraha bulshada oo dadka cabaa ay ku faafiyaan sawiro u muuqda soo jiidasho, waxaa soo raaca dadka caanka ah oo iyaguna qaab moodel ah u adeegsada sigaarka, baraha bulshadana u isticmaala faafin iyo caadiyayn. Labadaa qodob ka sokow, waxa ay tilmaameen in filimaantu qayb weyn ka qaateen caadiyaynta sigaarka, dhalinyaro badanna ay u arkaan madax bannaani in ay tahay cabidda sigaarku.

Si kasta oo ay tahayba, khuburada caafimaadku waxay sheegeen in dhalinyaradu si weyn ugu nugul yihiin saamaynta asxaabtooda, dadka caanka ah iyo warbaahinta. Marka sigaarka loo soo bandhigo inuu yahay wax qurux badan ama astaan xorriyadeed, waxaa sii kordha dadka bilaabaya cabistiisa.

Khuburada caafimaadka ayaa aad uga digaya sawiradaa mala awaalka ah ee laga bixiyo cabidda sigaarka oo uu yahay marin habaabin. Waxa ayna xoojiyeen in sigaarku weli yahay mid ka mid ah sababaha ugu waa weyn ee cudurrada halista ah oo ay ugu horreeyaan kansarku, xanuunnada wadnaha iyo neef-mareenka, isla markaana uu sannad walba sababo malaayiin dhimasho ah oo laga baaqdan karayay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles