Boqolaal kamid ah mas'uuliyiinta boqortooyada Sacuudiga oo la xiray

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Boqolaal kamid ah mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa xabsi loo taxaabay, sidda ay ku warantay warbaahinta caalamka.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa lagu waramay in ay kamid yihiin; saraakiil sar-sarre oo ka tirsan milatariga iyo ciidamadda ammaanka.

Sidda ku xusan warbixinadda, shaqsiyaadkaas waxay wajahayaan dacwado la xiriira laaluush iyo in ay ka macaasheen xafiisyada dowlada.

Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee Sacuudiga oo loo yaqaano Nazaha ayaa goor dambe oo Axadii shalay ku dhawaaqay xariga.

Nazaha ayaa tilmaamtay in ay baaritaano ku waddo eedeysaneyaasha, oo ay tibaaxeen in ay lasoo taagi doono cadaaladda.

War-saxaafadeedka ayaa daaha ka rogay in tiradda dadka la xiray ay gaarayaan 298 loona haysto laaluush qaadasho iyo maamul xumo.

Dhowaan ayay ahayd markii Maxamed bin Salmaan, dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, uu amray xariga xubno kamid ah qoyska talada haya.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Sacuudigu xir-xiray ganacsato iyo shaqsiyaad caan ah kuwaasoo lagu eedeeyey musuqmaasuq.

Xariga soo cusboonaadey ayaa imaanaya xili Bin Salmaan uu wajahayo eedeymo la xiriira in uu beegsanayo dadka uu u arko in ay halis ku yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM