Mareykanka oo badalaya siyaasadiisa Soomaaliya

Image
Natiijadda dib-u-eegistan ayaa la sheegay in la shaacin doono todobaadyadda soo aadan.

WASHINGTON, USA – Maamulka Joe Biden ayaa qorsheynaya in uu asbuucyadda soo aadan soo saaro siyaasad cusub oo uu kula macaamilayo Soomaaliya, sidda ku xusan warbixin uu daabacay wargeyska afka dheer ee New York Times.

Sida ku xusan warbixinta, Mareykanka ayaan aaminsan in uusan guuldareysan howlgalkiisa Soomaaliya "balse uu ka fekerayo sidii uu xal ugu heli lahaa caqabadaha ka hor-yimid".

"Maamulka waxaa laga yaabaa in uu todobaadyadda nagu soo aadan uu soo bandhigo siyaasad cusub oo u uku wajihi doono Soomaaliya," ayay raacisay warbixinta oo soo xigatay mas'uuliyiin kuwaasoo aanan la shaacin magacyadooda.

Qormadda ma aysan bixin tafaasiil ku saabsan goobaha uu isbedelka ku imaan doono. Dhanka kale, dowladda Soomaaliya kama aysan jawaabin codsiyo la xiriira isbedelkan.

Xukuumaddii Donald Trump ayaa la sheegay in ay Soomaaliya kaga tagtay qodxo badan kuwaasoo qaaditaankeeda ay ku adkaan doonto ama waqti ka qaadan karta Biden waxaana kamid ah saarista askarta Ameerikaanka ee dalka joogay.

"Biden wuxuu ka baaraan-dagayaa in uu dib ugu celiyo ciidamadda," ayay Jariiradda ku warantay. Askartaas oo Soomaaliya ka hayaamay bishii Janaayo waxaa hataan fadhigoodu yahay dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Washington ayaa kaalin weyn ka qaadata dedaaladda dib-u-dhiska dowladnimada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ciidamadda Soomaaliya kuwaasoo lagu qiyaaso tiradooda 30-kun balse wali u bac-bac-dhigi la' Al-Shabaab oo ka kooban 10-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM