Kiisaska Covid19 ee guud ahaan caalamka oo kor-u-dhaafay 20 milyan

Image

WASHINGTON, US – In ka badan 20 milyan kiisas oo ah musiibada Coronavirus ayaa laga xaqiijiyey guud ahaan caalamka, sidda ay muujineyso xog-uruurinta Jaamacada Johns Hopkins ee wadanka Mareykanka.

Wadar ahaan xaaladaha la xiriira xanuunka ee 24-kii saac ee aynu kasoo gudubnay laga helay dunida ayaa waxay noqdeen 20,001,019.

Tiradda guud ee shaqsiyaadka u geeriyooday xanuunkaan safmareenka ah ayaa sii cagacageyneysa 733,897, halka 12,209,074 ay ka bogsadeen kadib markii ay heleen baxnaano caafimaad oo aad u wanaagsan.

Tan iyo markii uu kasoo if-baxay magaalada bartamaha Shiinaha ku taala ee Wuhan bishii December, Covid19 ayaa gaarey 188 dal.

Illaa haatan, ma jiro daawo iyo talaal rasmi ah oo loo helay fayruska, wallow ay socdaan dedaalo lagu baadigoobayo daawadiisa.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sarre u qaadey walaaca laga qabo in xanuunka uu noqdo mid caadi oo aan la ciribtirin.

Mareykanka ayaa wali hogaaminaya waddanka uu sidda ugu ba'an ugu aafay; 5,085,821 kiisas ayaa ka jira, Brazil oo kaalinta labaad ku jirta waa in ka badan saddex milyan, halka India ay ka badan tahay labba milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Israa’iil siinaya Hub Cusub xili ay xasuuq kawado Gaza

Sida ay sheegeen sarkaal Mareykan ah iyo qof kale oo xog-ogaal u ah qorshahan balse codsaday in aan magaciisa la shaacin, heshiiska ayaa ka kooban:

  • Caalamka

    21-09-2025

  • 10:31AM

Pakistan oo Sheegtay Inay Nukliyeerkeeda Ku Difaacayso Sacuudiga 

Asif ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Israa’iil, isagoo sheegay in, “Isra’iil, in kastoo ay tahay quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    20-09-2025

  • 05:56AM