Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Image

MINNESOTA – Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa sheegay in Melissa Hortman, oo ahayd Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada gobolka, iyo seygeeda lagu dilay weerar si gaar ah loola beegsaday oo siyaasadeysan.

Weerarka sidoo kale waxaa ku dhaawacmay senetar kale iyo xaaskiisa. Booliska ayaa weli baadi-goobaya eedeysane loo tuhunsan yahay inuu weerarka ka dambeeyey.

“Dhammaanteen, Minnesota iyo guud ahaan Mareykanka, waa in aan si midnimo leh uga soo horjeesano dhammaan noocyada rabshadaha siyaasadeed,” ayuu yiri Guddoomiye Walz shir jaraa'id oo uu qabtay Sabtidii. “Kuwa mas'uulka ka ah weerarkan waxaa la horgeyn doonaa caddaaladda.”

Senator-ka dhaawacmay ayaa la aqoonsaday inuu yahay Sen. John Hoffman, oo xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan, lana doortay markii ugu horreysay 2012. Waxa uu horey uga tirsanaa guddiga dugsiyada ee Anoka-Hennepin, oo ah degmada ugu weyn waxbarashada gobolka Minnesota. Hoffman waxa uu xaas leeyahay hal gabar ah, wuxuuna metelaa deegaan ku yaalla waqooyiga magaalada Minneapolis.

Melissa Hortman, oo ahayd hoggaamiyaha sare ee Dimoqraadiga Golaha Wakiillada gobolka iyo Guddoomiye hore, ayaa markii ugu horreysay la doortay 2004. Waxay lahayd labo carruur ah oo ay la wadaagtay seygeeda la dilay.

Taliyaha Hay’adda Dambibaarista Gobolka (Bureau of Criminal Apprehension), Drew Evans, ayaa sheegay in baarayaashu ay si firfircoon u baadi-goobayaan eedeysanaha. Evans wuxuu intaa ku daray in Hortman iyo seygeeda ay u dhinteen dhaawacyo rasaas ah, iyadoo baaritaanno dheeraad ah lagu sameyn doono maydadkooda.

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

Madaxa Amniga Qaranka, Bob Jacobson, ayaa sheegay in eedeysanuhu uu ku labisnaa dhar boolis ah oo been abuur ah si uu kalsoonida bulshada u kasbado. “Tani waa khiyaano aad u xun oo ka dhan ah waxa ay u taagan yihiin dharka iyo calanka aan sidno,” ayuu yiri.

Taliyaha booliska, Mark Bruley, ayaa sheegay in eedeysanaha uu ka baxsaday guriga Hortman kadib markii rasaas la is dhaafsaday booliska. Waxa uu xusay in eedeysanuhu watay gaari si buuxda ula mid ah gaadiidka booliska oo leh nalal degdeg ah iyo calaamado boolis.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa war kasoo saaray Aqalka Cad, isagoo sheegay in FBI-da ay ku biiri doonto baaritaanka.

“Xeer-ilaaliyahayaga Guud, Pam Bondi, iyo FBI-du waxay si buuxda u baari doonaan dhacdadan, waxayna caddaalad hor keeni doonaan cid kasta oo ku lug leh. Rabshadaha noocan oo kale ah laguma dulqaadan doono Mareykanka. Ilaahay ha barakeeyo shacabka weyn ee Minnesota – meel runtii weyn!” ayuu Trump yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel: Tehran way gubi doontaa haddii ay Iran sii waddo weerarada Gantaallada

Xiisadda milatari ee ka taagan gobolka ayaa sii xumaanaysa iyadoo labada dhinac ay isugu jiraa weerarro iyo hanjabaado culus.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 09:39AM

Trump oo Shaaciyay Barnaamijka “Trump Card” oo ah Deganaansho Mareykanka oo $5 Milyan ah

“Magaca waddanku waa UNITED STATES OF AMERICA. LIISKA SUGITAANKA HADA WAA FURAN YAHAY.”

  • Caalamka

    12-06-2025

  • 02:08PM