Maxkamad Sarre oo amartay in xabsi guri la geliyo madaxweyne hore

Image

BOGOTA, Colombia – Maxkamadda Sarre ee Colombia ayaa amartay in xabsi guri la geliyo madaxweynihii hore ee dalkaas Alvaro Uribe. Talaabadan waxay qayb ka tahay baaris lagu sameynayo 68-jirkaan.

Mr Uribe oo cambaareeyay go'aankaan ayaa loo haystaa in uu ku kacay wax-is-dabamarin iyo in uu isku dayey been abuurasho.

"Gooni yeelidaan waxay tiiraanyo u tahay xaaskeyga, qoyskeyka iyo dadka reer Colombian ee wali aaminsan in aan wax wanaagsan u qabtay waddanka," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Inkasta oo geedi u socodka maxkamadda uu socdo, haddana go’aankaan wuxuu waxyeeleynayaa sumcadda hogaamiyayaan.

Kadib markii uu xafiiska faarujiyey, Uribe, oo xukunka hayey intii u dhaxeysay 2002-2010, ahna aas-aasaha xisbigiisa, ayaa diidey dedaalo nabadeyn ah oo uu bilaabay ninka isaga bedelay, Juan Santos.

Santos ayaa loo doortay Senator, wuxuuna Ivan Duque ka caawiyey guusha doorashooyinka madaxtinimada ee 2018-kii.

Duque oo si ku celcelis ah u taageeray Uribe ayaa sheegay in uu u ogolaan doono in uu qabsado qareeno inta uu banaanka joogo.

Dacwadda ka dhanka ah Uribe ayaa soo bilaabatay 2012-kii markii uu dacwad ka gudbiyey mudanaha siyaasadiisu bidixda tahay ee Ivan Cepeda, kaasoo baadigoobaya caddeymo liddi ku ah Mr Uribe.

Caddeymahaas ayaa ku saabsan kooxo milatari oo uu waddanka soo geliyey hogaamiyihii hore ee haatan xabsi guriga galay.

Sikastaba ha ahaatee, dacwadda ayaa kusoo dhamaatay in Maxkamadda Sarre ay ogolaatay baaritaan ku saabsan in madaxweynihii iyo qareenkiisa ay isku dayeen in ay laaluushaan marqaatiyaasha.

Illaa iyo haatan, ma jiro wargelin sharciyadeed oo kasoo baxay Maxkamadda Sarre kuna saabsan xaaladda Uribe, kaasoo ah madaxweynihii ugu horeeyay taariikhda casriga ah ee Colombia, balse wajahaya jeel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM