Coronavirus: DF Soomaaliya oo hakisay duulimaadyadda gudaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay "illaa iyo amar dambe" joojisay duulimaadyadda gudaha, iyadoo meesha ka saartey in amarkaan uu ku socdo gobol gaar ah.

Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, ayaa sheegay in go'aankaan cusub uu daaran yahay ka hortaga faafitaan horleh oo xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus uu sameeyo.

"Wax kasta oo la sameynayo waxaa loo sameynayaa siddii loo xakameyn lahaa cudurka wada waaweyn ay iska celin waayeen oo annaga aan iska celin weynay," ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiir Oomaar ayaa lagu sheegay in amarkaan uu dhaqan-galayo laga bilaabo maalinta berri oo Axad ah, wallow uusan carababaabin waqtiga la qaadayo.

"Waxaan qiimeyn doonaa hadba sidda ay xaalada noqoto," ayuu ku jawaabay markii leysku dayey in lagu cadaadiyo jawaab uu ka bixiyo xiliga ay ku eg-tahay xayiraadan horka ah ee lagu soo rogay duulimaadyada.

Xukuumadda dhexe ayaa horey u joojisay duulimaadyadda dibadda muddo laba todobaad ah, taas oo ka dhaqan-gashay guud ahaan waddanka, wallow ay laba maalmood dib ugu fasaxday "xaalado soo kordhay".

Soomaaliya ayaa waxaa laga helay saddex kiis oo fayruskaas ah. Laba kamid ah waxaa qaadey muwaadiniin ka kala yimid Shiinaha iyo Talyaaniga, halka ruuxa kale uu yahay ajnabi la shaqeeya xafiiska Qaramada Midoobay.

QORAALKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM