Mudada lagu soo saari karo shidaalka Soomaaliya oo la saadaaliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa todobadkii hore waxay saadaalisay in shidaalka ku jira badda lagu soo saari doono muddo lix illaa iyo todoba sanno gudaheeda ah.

Ibraahim Cali Xuseen, gudoomiyaha ahna madaxa fulinta Hay'adda Batroolka ee dhowaan la aas-aasay oo wareysi siiyey The Africa Report, ayaa rajeeyay in qorshaha ay diyaarsadaan uu u fuli doono.

Qorshaha waxaa kamid ah wareega koowaad ee ruqsad bixinta todoba xirmo shidaal, taas oo bilaabatay 4-tii August isla markaana la filayo in uu dhamaado 12-ka bisha Maaj ee sanadka 2021.

"Maalmaha soo aadan waxaan soo saari doonaa shuruudaha heshiiska, kaasoo noqon doona mid soo jiita dhanka canshuurta iyo shirkadaha boqortooyooyinka," ayuu raaciyey.

Sidda laga soo xigtay Ibraahim, faa'iidada laga heli doono halkii fuusto ee shidaal ayaa waxay noqon doontaa aduun dhan afartan Doolar [$40].

Xuseen, oo horey lataliye uga ahaa Wasaaradda Batroolka, ayaa aaminsan in kheyraadka Soomaaliya uu wax ka bedeli doono dhibaatada soo wajahdey shidaalka caalamka ee Covid-19 uu sababay.

"Covid-19 ma ahan wax abid sii jiraya; shirkadaha shidaalka waxaan filayaa in ay miisaaniyada ku darsan doonan soo saaritaanka shidaalka Soomaaliya," ayuu xusay, isagoo kalsooni ka muujiyey arrintaas.

Todoba xirmo ee haatan dowladda federaalka ah xaraasheyso waxay kamid yihiin 15 horey loogu xaqiijiyey daraasad dhameystiran, kuwaas oo la wariyey in ay ku jiraan 30 bilyan fuusto shidaal cayriin ah.

Meelaha dowladda ruqsadooda bixineyso waxay kala yihiin; Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle. Dowladda Puntland waxay diidey nidaamka socda, maadaama aan heshiis laga gaarin.

Shirkadaha caalamka ayay uga digtay in ay maalgeshi ku sameystaan shidaalka Soomaaliya, ayna iyaga mas’uul ka noqonayaa cawaaqib-xumada ka dhalatay hadii ay iibsadaan kheyraadka aan lagu heshiin.

Isagoo u muuqda mid qiraya in shidaal soo saaritaanka aan lagu heshiin ay saameyn xun reebi karto, Ibraahim ayaa rajeeyay in hay'addiisa aysan waxyeelo kasoo gaarin xaalada siyaasadeed ee jirta.

GARWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM