Talyaaniga oo aqbalay malaayiin looga hortagayo fatahaadaha Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Talyaaniga ayaa ogolaadey lacagta ku baxeysa mashruuca ka hortaga fatahaadaha taasoo ah lix milyan oo Doolar, sidda ay baahisay Madaxtooyadda maamul goboleedka HirShabelle.

Shaacintaas ayaa waxay ka dambeysay ka gedaal markii ay maanta magaaladda Muqdisho ku kulmeen madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenka safiirka Talyaaniga, Ambassador Tabio Massimo.

"Madaxweynaha Dowladda HirShabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa magaalada Muqdisho kula Kulmay safiir ku xigeenka Dowadda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Tabio Massimo waxaana ay ka wada hadleen wax ka qabashada Arrimaha Fatahaada Beledweyne, waxaana Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay Mashruuci in dhowaanba la sugayay ee ka hortaga Fatahaada Mashruucaasi oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar (6,000,000$)," ayaa lagu yiri bayaanka oo lagu faafiyey baraha bulshadda.

War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay GO ayaa la raaciyey: "Safiirka ayaa U sheegay Madaxweynaha In lacagtaas Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay ay doonayaan Dad reer Beledweyne in ay ku caawiyaan si wax looga qabto arrimaha fatahaadaha Beledweyne ee soo noq noqday".

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, Waare oo ka mahadceliyey deeqdaas ayaa ku tilmaamay "guul muujineysa dadaalka socda" ee la xiriira wax ka qabashadda arrimaha daadadka kusoo laab-laabtey Beledwayne.

"Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha ayaa waxaa la soo marsiinayaa oo fulinaya Hey'adda Cunada iyo Beeraha Qaramada midoobay ee FAO," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Fatadaaha Beledwayne oo webiga Shabelle uu sababo ayaa dhaca marka la gaaro xilli roobaadka, waxaana dowladihii xuukunka isaga dambeeyay ay ku guuldareysteen in ay si wax ool ah uga jawaabaan.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa horey u baahisay in dowladda haatan taalada haysa ay ku fashilantay in ay ka faa'iideysto fursad uu Rooma ku maalgelin lahayd biyo-xireen iyo buundo laga sameeyo Beledwayne.

Sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay, kumanaan qoysas ah ayaa ku barakacay fatahaadihii u dambeeyey ee ku dhuftay Beledwayne, halka dhimashadda ay tobanaan tahay kuna jiraan caruur iyo haween.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 04:28AM

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM