Wasiirka Cadaaladda Somalia oo Washington shir kaga qayb galay

Image

February 19, 2015 (GO)- Shir looga hadlayey xagjirnimada oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka soconayey magaalada Washington ee xarunta dalka Maraykanka ayaa lasoo gaba gabeeyey.

Shirka oo ka dhacay Aqalka Cad waxaa lagu casumey wufuud caalami ah oo ka socotey ku dhowaad 30 dal iyo weliba ergooyin metelayey bulshooyinka muslimka ah ee ku nool dalka Maraykanka.

Dowladda Federaalka Somalia waxaa shirka uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir.

Ilka-jiir oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda VOA, wuxuu sheegay in Somalia shirka la tagtey ajandeyaal dhowr ah islamarkaana soo gudbisey afkaarteeda ku aaddan qaabka lagu dabarjari karo fikirka xagjirnimada.

Mar la weydiiyey qodobadii Somalia soo jeedisey wuxuu sheegay inay ugu muhiimsanaayeen ku dhaqanka mabaadi'da saxan ee diinta iyo weliba in bulshada wacyi gelin badan loo sameeyo culimada diintuna arrintaas kaalin weyn ka qaataan.

Badi ergooyinkii shirkaas ka qayb galay ayaa isku raacay in xagjirnimada iyo Islaamka wax xiriir ahi ka dhexeyn dhammaan dadka Muslimka ahna aan xagjiriin loo aqoonsan karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM