Xasan Sheekh oo Hambalyo U Diray Madaxda Cusub ee Maamulka Loo Dhaawaaqay Laascaanood

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, ayaa hambalyo u diray maamulka cusub ee dhawaan laga dhawaaqay magaalada Laascaanood, iyadoo Cabdulqaadir Axmed Aw-cali loo doortay madaxweynaha, halka Cabdirishiid Yuusuf Jibriil uu noqday madaxweyne ku-xigeenka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey nidaamka doorashada, isagoo tilmaamay inay muujinayso horumar siyaasadeed iyo fahamka dimuqraadiyadda ee ku socda gobolka. Wuxuu kaloo xusay in musharrixiintii tartamay ay muujinayeen dedaal iyo masuuliyad, taasoo qeyb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

“Maamulka cusub wuxuu wajahayaa masuuliyad culus, waxaana rajeynayaa in ay noqdaan hoggaamiyeyaal mideeya bulshada, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dhismaha dowladnimada,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyey in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay si buuxda u taageerto maamulka cusub ee Laascaanood, si loo xoojiyo hanaanka federaaleynta iyo danaha guud ee dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo hoggaanka cusub ee Laascaanood inay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka, si loo gaaro horumar waara oo ku dhisan kalsooni, nabad, iyo wada-tashi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cadaadis kala kulmaysa joogitaanka Ciidanka Jubaland ee Mandheera

Kenya ayaa ah saaxiib istiraatiji ah oo Jubaland ah, iyadoo KDF ay u adeegsaneyso sida aag buffer ah oo lagula dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 11:28AM

Jubaland: Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka leexatay ajendeyaasha qaranka

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 09:22AM