Miyay saameyn ku yeelan kartaa xulka Spain eryida Julen Lopetegui?

Image

Xiriirka kubada cagta dalka Spain ayaa waxuu eryay macalinkeeda Julen Lopetegui oo soo hogaaminayey tan iyo 2016-kii, maalin un ka hor inta uusan bilaaban Koobka Aduunka 2018.

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta dalka Spain, Luis Rubiales, ayaa wuxuu sheegay in talaabada ay qaadeen ay u arkeen inay tahay mid sax ah, islamarkaana ay noqotay mid lagama maarmaan ah.

Fernando Hierro, oo ah ciyaaryahan hore oo Spain, ayaa loo magacaabay inuu bedalo Lopetegui, kaasoo isana horey usoo ahaa Goolhaye usoo dheelay xulkan kubada cagta ee baaska caanka ku ah.

Talaabada xilka looga qaaday Lopetegui, ayaa waxay salka ku haysaa, sida lagu soo xigtay warbaahinta Spain, inuu isagoo aanan wax ogeysiis ah siinin maamulka xiriirka, naadiga Real Madrid.

- Sidee xulka Spain u saameyn doontaa eryida Lopetegui? -

Kulanka ugu soo horeeya waxay Spain ay la dheelaysaa xulka Portugal, kaasoo dhacaya maalinta Jimcaha ah, waxaana Xavi Hernandez, oo xidig hore oo Spanish rumeysan yahay dalkiisa dhutin doonin.

Isagoo wareysi siinayay Idaacad ku taala Magaalada Madrid, wuxuu sheegay Xavi in eryida Lopetegui, ay ahayd mid sax ah, waayo buu yiri: "Wuxuu baal maray nidaamka".

"Xiriirka wuxuu sameeyay talaabo waafaqsan xiriirka, waxaana rajeynayaa inuu Spain unoqdo Koobka Aduunka mid wanagasan," ayuu hadalkiisa kusii daray ciyaaryahankii hore ee Barcelona.

Ugu dambeyn, isagoo ka hadlay siduu u arko maamulaha cusub ee Spain, ayaa wuxuu tilmaamay Xavi inuu filayo inuu diyaar uyahay inuu guulaha Spain sii wado, islamarkaana uu talaabadaas diyaar uu uyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM

Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0

Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.

  • Cayaaraha

    10-10-2025

  • 09:18AM