Habacsanaanta maamul iyo is-sixida Xukuumadda Puntland

Fikradaha

W/Q: C/weli Xirsi Nur

Waxaa ayaamahan hadalo kulkulul hawada isku marinayay labada maamul ee Puntland iyo Gal-mudug ka dib go'aankii Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakim Cumar Camey soo saaray ee saameynayay gaadiidka xamuulka ah ee ka imaanaya koonfurta Somalia. Waxaan dhagaystay hadalkii Md. Camey uu ku sharxayay go'aankiisa wuxuu ku sheegay inuu ogyahay in gaadiid ay leeyihiin kooxda Al Shabaab ay waddooyinka maraan, isagoo ku hanjabay in cidii ganacsato Puntland ah oo go'aankaan ka hortimaadana ay Dowlada Puntland u arkayso inay la shaqeeyaan qolyahaas.

Inta badan waxaa dhacda in xogaha noocaan oo kala ah keliya ay hayaan laamaha sirdoonka iyagoo aan la qaybsan madaxda ka saraysa daloolna uga dhigaan inay ku raadinayaan xogo dheerada ah laakiin mar haddii madaxii ugu sareeyay sheegeen iney la socdaan inay jiraan Gaadiid aragaxisadu leedahay oo isaga goosha Puntland sow ma ahayn in mar hore wax laga qabato si looga hortago dhacdadii Gaalkacyo ka dhacday 21-ka Agosto 2016, iyo kuwo kale oo imaan kara, hakadna aan la galin isku socodka gaadiidka maadamaa cid kasta dani ugu jirto isu socodka ganacsiga,waxaa muqata is dhexyaac dhinaca amniga ah khaas ahaan hay'adaha ammaanka, qeybta sirdoonka iyo qeybta fulinta iyo weliba madaxada sare oo ku degdegaysa ka hadalka idaacadaha, waxaynu wada ognahay xiriirka dhinaca siyaasada Puntland, Galmudug iyo Dowlada Federaalka uu aad u fiican yahay laakiin uusan jirin xiriir ka dhaxeeyay Hay’adaha Amniga iyo Sirdoonka waana tan keentay in markasta cida Puntland dhibta ka samaysa ay ka yimaadaan Koonfur soona maraan xuduudaha maamulada dhexe. Hadaba mar haddii siyaasadii aan ka wada shaqaynayno dhibtuna xaga koonfureed nooga imaanayso madaxdeenu ma isweydiisay in wax walba aan ka hormarino hagaajinta Amnigeena isagaana fure u ah Siyasadda. Derisnimadda fiican waxaa caada u ahayd baadida oo laysku cesho, cadowga oo layskaga soo digo, adeegoo la kala qaato dhamaan intaas iyo wixii kaloo deris wanaag ah ayaa Siyasada fure u ah, waxaana la joogaa xiligii Madaxda Puntland wax iska weydiin lahayd xiriirka hada socda ee ah Awr ku kacsi.

Madaxda Puntland loogama baahna ka daba tag iyo cambarayn waxa dhaca ee waxaa looga baahan yahay in la helo qorshe dib boorka loogaga jafo hay'adahii Sirdoonka iyo Amni-sugida Puntland lagu yiqiinay, in wacyi galin loo sameeyo shacabka iyadoo loo marayo Bulshadda Rayidka ah, Culimadda, Madaxda Xafadaha iyo Hogamiyaasha dhaqanka si looga hortago khatar kasta oo nagu soo socota, loona joogteeyo wada shaqaynta laamaha aan kor ku soo sheegnay.

Tan kale inta badan waxaa la hadal hayaa in Maamulka hada jiraa ku guuldaraystay bixinta mushaharka, taasina sababtay kala daadsanaanta laamaha Amniga. Waxaynu wada ognahay in maamuladii hore ee Puntland soo maray iyaga laftigoodu haysteen caqabadaha dhaqaalaha, laakiin waxay kaga duwanayeen iyagoo lahaa qorshe isku dheelitir bilaha wax soo saarku fiican yahay iyo kuwuu yar yahay ayna waxkasta ka hor marin jireen Mushahaarka ciidamada.

Waxaa maamulkaan ka muuqata inay jirto khibrad yaraan dhinaca Maamulida Dhaqaalaha iyo Amniga, hadii ay saxaan taasna iskuna dheelitiraan waxa soo gelaya iyo waxa baxaya waa in loogu garaabaa daahniinka ama waayitaanka mushahaarka waqtiyada kooban, waxaa kaloo jira is-dhexyaal Maamul iyo shaqo qeexid la’aan sababtayna in cidkasta ka hadasho shaqo aan teeda ahayn, cidkasta goonideeda madax u tahay uuna dhumay kala danbayntii Maamul lahaan jiray.

Aragti ahan waxaan qabay in Madaxweyne Dr C/weli Gaas uu yahay kii ugu mudnaa shaqsiyaadkii u tartamay xilka 2014 tii marka laga reebo Madaxweynihii markaas joogay Dr Faroole arrimo badan awgood ayna ka mid yihiin khibradiisa dhinaca dhaqaalaha oo uu la taliye ka ahaa Wasaarada Maaliyada Puntland, Wasiir Xukuumadii Madaxweyne Sharif Shiikh Axmed iyo R/wasaaraha Somalia isla Xukumadaas, iyo khudbadaasii Musharaxnimadii 2014-ka oo ay haraysay balanqaadyo badan iyo dhaliilo Maamulkii hore. Halkan ka dhageyso khudabdii madaxweyne Gaas Ka hor akhriyey Barlamanka markii uu musharaxa ahaa 

Inta ka warhaysay xaalada markaas Puntland ka jirta, khaas ahaan aqoon u lahaa xiligii u Madax ka ahaa Dowladda Federaalka wey u jeedaan in dhaliilaha ku aadan Madaxweyne Gaas iyo balanqaadyadii dib u eegid u baahan doonaan, Shacabka Puntland way u jeedaan inaysan haboonayn xiligan in lagu weydiiyo balanqaadyadii waxa ka fulay iyo waxaan fulin aragti ahaana diyaar uma aha Xukuumada Gaas aan ka ahayn dareensiin xaalada hada jirta darted.

Waxaad moodaa in habacsanaan badan jirto, loona baahan yahay inaad dib u qiimeyn lagu sameeyo meesha hada Puntland marayso iyadoo dib u jaleecayo barnaamijyadii aad ku soo bandhigay ololihii doorashadii 2014-ka. Madaxweyne Gaas waxaan kaloo kula talin lahaa inuusan qol ku soo xiran Golaha Xukumada oo la waydiin “maxaad qabatay iyo maxaad damacsan tahay”, waayo Madaxweynuhu waa hoggaanka Golaha Xukuumada waana inuu doorkiisu ahaada dhagayste, qiimeeye dhaliilaha Xukuumadiisa, sidoo kalena ay Golaha Wakiiladda iyo Bulshada rayidka hadii kale waxay la mid noqonaysaa canshuur bixiye la yiri canshuur soo ururi.

Tan kale, qof keliya wax ma qaban karo qofkana waxa wax lagu qabta laguna qiimeeyaa dadka garbihiisa fadhiya, inta badan Golayaasha wey dhaliilaan hogaaminta Madaxweyne Gaas, waxayna ku sheegaan nin aan qaadan talooyinka, dhagaysi badan laakiin aan ficil ku darin mana garan karo waxay Madaxweynaha toos ugu sheegi waayeen, Maamul xubnihiisu dhaliilayaana wey adag tahay siduu horay ugu socdo (Ruqo ninkii laha dabada hayo ma kacdo).

Goleyaasha Xukuumada waxaan kula talin lahaa aragtida ah dhaliilida Maamulka aad ka mid tihiiin adoo ku qanacsan inaad kursiga sii kulaasho awoodna aadan u lahayn inaad madaxdaada la qeybsato aragtidada caafimaadka qabta, waxaadna ogaataa in doon lawada saran yahay shacab iyo Golayaalba si loo badbaado waxaa haboon inaad waxkasta oo jira la wadaagtid Madaxa ugu sareeya ee Xukuumadda idinkoo u nasteexaynaya haduu ka madax adeegana isticmaalaya awoodiina Dastuurku idin siinayo.

Mudane Madaxweyne waxaa qarka loo saran yahay xiligii qof kasta ciidan iyo shaqaalaba wuxuu haysto horay u sii qaadan lahaa isagoo ku andacoonaya Hogaan xumo ayna sabab u tahay mushahar la’aan, habacsanaan maamul, la tashi la’aan, Amni xumo, waqti ku dhumis kooxo madadalo, balanqad aan dhuunta dhafsiisnayn, go’aan qaadasho la;aan  iyo safaro aan wax soo siyaadinayn kharash badana ku baxo , si aan burbur uga badbaadno waxaa habboon inaad taladda balaariso lana fariisato cid kastoo u aragto inay ehel u tahay wanaaga Puntland si dib boorka looga jafo habacsanaanta jirta, waxaana muhiim ah inaadan ku adkaysan inay wax walba sidii la rabay u socdaan sida aad idaacadaha ka sheegtid adigoo taas ku qiimaynaya shacabka la soo dhoobo garoomada diyaaradaha xiligaad baxaysid iyo xiligaad soo noqonaysid. Haddii sidaan wax ku si socdaan waxaa laga yaabaa inaan gaari doono meel aan laga soo noqon Karin arintuna kugu noqon doontaa, “Markaan tabar hayay talo ma hayn maantoo talo hayana tabar ma hayo”.


 W/Q: C/weli Xirsi Nur Wasiir-ku-xigeenkii hore ee W/Xanaanada Xoolaha Puntland (2009-2014)   awnur@hotmail.com

Warar la xiriira

Wararkii ugu dambeeyey