Puntland ma Khilaaf Beeleed baa jira mise mid siyaasadeed?

Fikradaha

by Farah Aw-Osman

Waxay dowladda Puntland dhawaan ku dhawaaqday afar shir oo ay u qabanayso qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland, sida kan ururada Bulshaada ee Galkacayo ka furmay , kan issimmada ee Qardho iyo kan Qurba-joogta ee Garoowe oo labadaba lagu wado inaan dhawaan qabsoomaan iyo mid guud iyo gunaanad oo ergo kooban oo sadexdaas shir laga soo xulay isugu iman doonto Garoowe.   

Shirkasta wuxuu yeelanayaa arimo ama ajendayaal gaar ah oo ay ka qaybgalayaasha uga doodayaan go’aanana ka soo saarayaan.

Hadaba su’aalaha isweydiinta mudan ee ku aadan shirarkani waxay tahay:

  • Khilaafyo noocee ah ayaa shirarkan looga doodayaa xalintooda? Mase jiraan khilaafyadaasi
  • Yay yihiin dadka shirarkan ka qaybgalaya?
  • Yaa fulin doona go’aamada ka soo baxaya shirarkan?
  • Mase jiraaan qaabab kale oo caqabooyinka Puntland wax looga qaban karo?

Khilaafyo noocee ah ayaa shirarkan looga doodayaa xalintooda?

Cinwaanka guud ee shirka loogu yeeray waa “Shirka Khilaafaadka Beelaha Puntland”.   cinwaankan waxaan ka dhadhansan kartaa inay dowladu aaminsan tahay jiraan beelo reer Puntland ah oo is khilaafsan oo xalinta khilaafaadkoodu ay keliftay qabashada shirarkan.   Hadaba, bal aan isweydiinee ma waxaa jira beelo reer Puntland ah oo khilaaf dhexyaal oo xabad isku haysta oo ay lama huraan tahay in la heshiisiiyo oo shirar loo qabto,  mise khilaafka meesha jiraa waa mid siyaasadeed oo u baahan xal siyaasadeed!.

Waxaa xaqiiq markhaanti madoonto ah in uusan jirin cadaawad gaamurtay oo dhextaal beelo reer Puntland ah, taas oo gaartay heer shirweyne taxane ah oo xal raadin ah loo qabto. Way jirtaa in mararka qaar qabiilo daaqsin ama muran deegan dhexmaro taasina maaha wax ugub ah balse waa mid soo jireen ah, badanaana Issimmada iyo nabadoonada deegaamadaasi ayaa xaliya mana aha musiibo qaran oo shirweyne qaran kelifi karta.   Laakiin waxaa hubaal ah in Puntland maanta ay hortaalo caqabadooyin fara badan oo daakhili ah oo isugu jira kuwo Dhaqaale, Bulsho, Dhaqan iyo Amni kuwaas oo dhamaan Siyaasad salka ku haya.   

Hadaba bal waxaan isku dayi doonaa inaan wax ka iftiimiyo caqabadaha ugu waaweyn ee dhaakhili ee Puntland horyaala iyo sida lagu xalin karo:

1- Khilaafka Isimmada:

Waxaa jira khilaaf weyn oo dhexyaala qaar ka mid ah isimmada Puntland, khilaafkaasi oo soo shaac baxay xiligii doorashada iyada oo ay Garoowe ka jirtay labo kooxood oo ay hogaanka u kala hayeen qaar ka mid ah Issimmada ugu magaca weyn Puntland, taas oo keliftay in issimmadii kalena ay la kala safnaayeen.  Inkastoo ay jireen Issimmo farro ku tiris ahaana isku dayay inay dhexdhexaad ka noqdaan khilaafka, hadana cidna ma inkiri karo jiritaanka khilaafkaas isaga ah.   Khilaafkaasi maahayn mid dhaqan iyo arimo bulsho salka ku hayay balse waa ismaandhaaf ay abuureen siyaasiyiin dano siyaasadeed watay kuwaasoo sababay inay kala jabeen ama ay horseed ka noqdeen dhaawaca ku yimid muwaafaqadii iyo midnimadii Issimmada Puntland dhex ooli jirtay.  Khilaafkaasi wuxuu soo bilaabmay xiligii Cabdiweli Gaas ahaa Ra’iisal Wasaaraha dowladii ku meel gaarka ahayd, Cabdiraxmaan Faroolena ahaa Madaxweynaha Puntland, labadaas masuul oo la isku qabtay Issimmadu Garoowe ha ku soo noqdeen iyo soo noqon mayaan, labadii kooxood oo berigaas ay u kala jabeen Issimmadu ayayna weli u kala fadhiyaan.

Waxaa kaloo la isku hayaa sheeko ay siyaasiyiintu abuureen taas oo ah “Issimmada soo jireenka ah” Vs  “Xagee jireen kuwa kale”, ma waalidka mise wiilkaa soo jireen ah?   

Isticmaalka eraygaan issimmo iyo qabiilo badan ayaa ka gows adaygay, una arkay eray bixin siyaasadeed oo isimmo kooban oo isku hayb ah lagu siinayo maqaam iyo martabad gaar ah laguna faquuqayo laguna caburinayo codka iyo jiritaanka kuwo kale.   Sidaa awgeed, waxay dad badan aaminsan yihiin in eraygani yahay mid salka ku haya siyaasad oo hadba siyaasigii rabaa awrka ku kacsado, waana eray kala shaki iyo kalsooni daro kala dhex dhigay Issimada reer Puntland.   

Dhinaca kale hadaad eegto waxaad arki doorka siyaasadeed ee  isimada dhaqanka la siiyay inuu noqday mid sii kala fogeeyay siina kala dilay isimadii iyo beelihii walaalaha ahaa, gaar ahaan muranka iyo dooda ka dhalatay soo xulista xubnaha Baarlamaanka, kaas oo issimmada qaar ay ku xadgudbeen soo magacow ama kursi ka xayuubin qabiil kale oo aysan issim u ahayn downa ahayn inay shu’uunta gaarkaa ee qabiil kale faraha la galaan, dowladii doorka hogaanka siyaasi lahaydna ay isku daawatay oo aysan waxba ka qabay xalinta iyo ka hortaga khilaafaadkaas.   

Khilaafka issimada Puntland dhexyaala wuxuu kaloo waadax soo ifbaxay noqday Caleemasaarkii Boqor Burhaan oo aad arkaysay qaar ka mid ah Garaadadii Dhulbahante oo shirka dhexdiisa si aan laaqi ahayn isugu jawaabayay, halka Issimmo badan oo Majeerteen ahina aysanba iman oo qaadaceen caleema saarka.

Dhulka Maqan iyo Qadiyada Dhulbahante:

Magaalada Laascaanood, Taleex iyo deegaamada kale ee ay Somaliland qabsatay waxaa laga qabsaday Maamulka Puntland ee lagama qabsan beel gaar ah.  Hadaba, kadib markii ay maamulka Puntland difaaci waayeen soona dhicin waayeen dhulkaasi waxaa dhacday in siyasiyiin iyo issimo badan oo beeshaasi ahi gadoodeen taas oo sababtay inay maamulka Puntland kalsoonidii kala noqdaan.   Sidaa awgeed, qadiyadani maaha mid dhaqan oo dhextaal laba beelood ee waa mid dhextaal reer Sool iyo Maamulka Puntland, waana mid u baahan xal siyaasadeed.

Mucaaradada iyo Gadoodka Gobolada laamiga ka baxsan:

Tan iyo intii la unkay maamulka Puntland waxaa jiray cabashooyin badan oo ka imanayay deegamaada ama goboladda laamiga ka fog, cabashooyinkaasi waa kuwo ku aadan in dowladu isku koobtay oo qura wax u qabadka magaalooyinka laamiga ku teedsan ayna ihmaalisay adeegyadda bulsho iyo horumarineed ee deegaaamada laamiga ka baxsan. Sidaa awgeed, cabashooyinkani maaha kuwo beelo dhexyaal ee waa deegaamo Puntland ka tirsan oo ka dacwoonaya adeeg xumo ka timid hadba dowlada xukunka haysa.

Qabiiladda kuraastoodii la dhacay ama aanba Baarlamaanka Puntland ku lahayn xubno.

Waxaa jira qabiilo badan oo ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland oo kuraastii ay sedka u heleen berigaasi si bareer ah dharaar cad looga fara maroorsaday, halka kuraasta kale ee qolyaha wax fara maroorsadayna ay lama taabtaan muqadas ah tahay.  Dhinaca kale waxaa jira qabiilo wax ka dega deegaamada Puntland kuwaas oo aan haba yaraatee door bulsho, dhaqan iyo siyaasadeedba ku lahayn deegamaada ay ku nool yihiin min heer deegaan ilaa heer Baarlamaan, sidaa awgeed, cabashooyinkaani waa kuwo ku taxaluqa dowlada oo gabtay difaaca iyo daryeelka muwaadiniinta beelaha laga tira badan yahay iyo doorkii ay xaqa ugu lahaayeen inay ku yeeshaan ka mid ahaanshaha talada dalka iyo xubinimada goobaha masiirka ummada looga arimiyo. Sidaa awgeed, cabashooyinkani waa kuwa xal hab siyaasadeed raba ee maaha kuwo dhaqan.

Yay yihiin dadka Shirarkan ka qaybgalaya?

Hadiiba sida cinwaanka ka muuqata shirku yahay mid lagu xalinayo khilaafaadka Beelaha Puntland dhex yaala, sow dowgu maahayn in lacadeeyo cida ay yihiin beelahaasi is khilaafsan, kadibna beel kasta cida go’aankeedu ka go’o ama jaanibyada wax isku haysta qolo kasta dad laga keeno.  Waxaa kaloo isweydiin mudan shirka Issimmada ee Qardho ka dhici doona ma mid Issimadii reer Puntland oo dhan ay aqbaleen wada imana doonaan ayuu noqon doonaa mise mid ka mid ah labadii garan ee Issimmadu u kala jabnaayeen ay hogaanka u hayaan ayuu ahaan doonaa mise sidii caanashubka ay u qaadaceen jaanibka kale ayay shirkana u qaadici doonaan.  Issimmada reer Sool tolow shirka ma qaadici doonaan mise “ninwalba wuxuu qabo Qardhuu keenin” ayay xaajadu noqon oo way soo wada xaadiri doonaan!.

Shirka Qurbajoogta Garoowe ka dhici doona ma mid loo dhan yahay lagana talo gashaday ururada matala Qurbajootaa,  mise waa mid isdhabar taabasho lagu imanayo. 

Qabasho afar shir howl sahlan maaha, waa howl juhdi iyo dhaqaale badan ku baxayo, sidaa awgeed, waxaa lama huraan ah in dad talo ka go’do , caqli iyo xigmad ku biirin kara shirarka awoodna u leh fulinta wixii gogosha ka soo baxa in lagu casumo.

Yaa fulin doona wixii shirarka ka soo bixi doona?

Hadii dowlada iminka jirtaa ka daacad tahay inay talogeliso qaybaha kala duwan ee Bulshada, waa arin wanaagsan taageero iyo soo dhawayna istaahisha, laakiin waa in hogaanka dowladu diyaar u noqotaa qaadashada iyo fulinta go’aamada iyo talooyinka shirarka.  Maxaa yeelay waa masuuliyiinta dowalada cida loo irkaday lagana dhowrayo adeega bulshada iyo hogaanka dalka intaba.  Taas micnaheedu maaha inay keligeen wax walba la orodo ama isku koobto balse waxaa lama huraan ah dowalada danteeduna ku jirtaa inay kaashato ama door wax ku ool ah siiso qaybaha kala duwan ee bulshada ee uusan arinku noqon “geeljire isagoo geedka meeshuu ka goynayo og ayuu xagee ka gooyaa ku yiraahdaa”.   

Ma jiraaan qaabab kale oo caqabooyinka Puntland wax looga qaban karo?

Haa!  Dhamaan khilaafaadka aan kor ku soo xusnay maaha kuwo bulsho ama dhaqan, balse waa kuwo siyaasadeed, sidaa awgeed, waxa loo baahan yahay waa xal siyaasadeed iyo istiraatiijiyo ay dowladu la timaado kulana falgeli karto waxna uga qaban karto caqabooyinkaas iyaga ah.

Sadex xal oo dhamaan ku jira gacanta dowlada maanta xukunta haysa ayaa khilaafaadka jira lagu xalin karaa:

Xalka Koobaad:  Qadiya Sool:

Reer Sool walaalahooda kale ee reer Puntland khilaaf qabiil , bulsho ama dhaqan kama dhex aloosna, balse waxay qabaan cabasho ku aadan inaysan dowladu ula dhaqmin sidii dowgu ahaa sida: 

  1. Inaysan dowlada Puntland difaacin soona dhicin dhulka maqan
  2. Inaysan taageerin xoogaga xornimo u dirirka
  3. Inaysan soo dhawayn siyaasiyiinta beesha
  4. Inay hoosta xiriir wada hadal iyo iskaashi kala leedahay Somaliland

Iyo inay had iyo goor dowladu soo dhawaysato kuwa aan magac iyo sumcad ku dhex lahayn deegamadaasi balse ahba dadka dhibka keenay sababtana u ahaa dhulka maqan iyo dhiiga daatay.   

Sidaa awgeed, waxay ku haboonayd in dowlada cusub ee Madaxweyne Cabdiweli inta uusan Gollihiisa Wasiirada dhisin gogol gobanimo u dhigi lahaa reer Sool cuqaal iyo siyaasiba kalana xaajoodo waxay ka tabanayaan Puntland , kala doorinsiiyona labo arimood oo kala ah inay ka tashanaysaan Puntland iyo inay ka sii mid ahaanayaan Puntland, jawaabtu haday ka sii mid ahaan noqoto waxay ahayd in laga idin geliyo cida ay rabaan inay maamulka ugu biiraan si dadkaasi u noqdaan kuwo taageero taam ah ka haysta dadka ay magacooda mansabka ku heleen.   

Haatan iyo dan weli fursad xal siyaasadeed u baahan ayaa arintaasi leedahay taas oo ah in shirarkan afarta ah aan Qadiyada Sool lagu dhex furin ee shir u gaar ah oo laga idan gashaday siyaasiyiinta iyo cuqaasha reer Sool la sameeyo, cidkasta oo wada hadal diyaar u ahna lagu casumo ajendaha iyo hagista shirkana iyo hogaamintiisuna noqdo mid dhexdhexaad ah.

Xalka Labaad: Doorashooyinka Xorta ah iyo Nidaamka Axsaabta Badan:

80% Khilaafka aan kor ku soo xusnay waa kuwo la xiriira qodobkan isaga ah sida:

  • Khilaafka Issimada oo ah mid ka dhashay adeegsiga siyaasiyiinta ama doorka xulista kuraasta Baarlamaanka.
  • Cabashooyinka beelaha ee ku aadan xoog u sheegashada, sadbursiga iyo ka maqnaanshaha saaxada siyaasada oo ah mid ka dhashay hayb hayb-kale masiirkeeda rabta inay ka taliso iyadoon cidina u irkan. 

Waxaa hubaal ah in muftaaxa xalka arimahaani uu ku jiro gacanta masuuliyiinta maamulka maanta jira, maxaa yeelay hadii ay ka run sheegaan deg-degna u dar-dar geliyaan nidaamka axsaabta badan waxaa hubaal ah in Oday dhaqameed danbe oo siyaasad dhex booda uusan jiri doonin, in qabiil danbe oo qabiil kale masiirkiisa iyo jiritaankiisa u arimiyana ay dhamaan lahayd, dadkuna aragti, mabaadi, iyo hadba cidii dantooda wada la isku bahaysan loogana bixi lahaa nidaamka qabaliga ah ee faashilka ah.

Xalka Sadexaad:  Gaarsiinta Dowlada iyo Horumarka ee Deegamaada laamiga ka fog:

Dowladu waxay dowlad ku noqon kartaa inay baahiso maamulka, inay si cadaalad iyo sinaani ku jirto adeega bulsho iyo horumarineed u wada gaarsiiso dhamaan deegamada ay ka arimiso, sidaa awgeed waa in dowladu dhiiri gelisaa cidkasta oo mashaariic horumarineed , shaqo abuur ama ganacsi ka fulinaysa deegaamada laamiga ka fog, waa inay wixii dhaqaale iyo deeq ay hesho wada gaarsiisaa dhamaan deegamaada iyo Goboladda dalka. 

Gunaanad:

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Wax aqoon wax looma sheego” , dowlada maanta jirta waxaa hogaanka u haya Madaxweyne mutacalim ah, waana hubaal inuu ka dheregsan yahay caqabadaha iyo duruufaha horyaala maamulkiisa iyo bulshada uu hogaanka u hayaba, hase yeeshee “caqliga kaa maqan walaalkaa buu ku jiraaye” shirarkan xog uruurin,  talo iyo tabar badsasho ayun bay maamulku uga gon leeyihiin baan u qaadanaynaa. Hadaba haday saa tahay, waxaa haboon in dowlada iyo masuuliyiinteeda aan lagala bakhaylin talooyinka waxtarka leh, haday doontaba sheegista talooyinkana dacarta haka kharaarnaatee! Sidoo kale waxaa haboon in la soo dhaweeye shirarkan muwaadin kastana uu taageero iyo talo bixina la garab istaago.

  “Human resources are like natural resources; they're often buried deep. You have to go looking for them, they're not just lying around on the surface. You have to create the circumstances where they show themselves.” 
― Ken Robinson

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Rag la’aani wax kuma yeeshee, Rag xumaa ku disha”.    Markii la helo Rag iyo Haween daacad u ah u adeega dadka, danta, dowlada iyo deegaanka Puntland, waxaa hubaal ah in la helo doono midnimo iyo muwaafaqo dhex marta reer Puntland taasoo xal u noqon doonta caqabadaha aan kor ku soo xusnay.

"Surround yourself with the best people and then get out of their way. Give them a chance to exceed your expectations and they usually will." ~Anne Sweeney

Puntland waxay u baahan tahay dowlad kooban oon ka badnayn 7 – 10 Wasiir, kuwaas oo gunooyin u qalma la siiyo, lana siiyo awood buuxda iyo madax banaani ay ku fuliyaan xilka loo irkaday. Khasab maaha inay shaqaalaha dowladu wada noqdaan kaadiriin sacabka tumaya, waxaase lama huraan ah inay yihiin muwaadiniin daacad u ah adeega danta dalkooda iyo dadkooda.   Dowlad wanaagu kama soo harto dowlad kooban iyo dhaqaale badbaadin, si taa loo gaarana waa in dowladu  burburisaa dhamaan mansabyada isku wada sumada ah ee isfeer yaacaya.

"Surround yourself with smart people that disagree with you." ~Nancy McFadden

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Far keliya fool ma dhaqdo”,  qofka masuulka ahi waxaa lama huraan ah inuu isku wareejiyo dad caqli iyo xigmad u saaxiib ah, kuwaas oo aan kala bakhaylin kalana baqin inay masuulka u sheegaan wixii talada iyo towfiiqdu ku jirto.  Nasiib darose, Madaxda Puntland waxay ku caan baxeen “Rakaab xumo” taas oo looga jeedo in dadka Madaxtooyada ka shaqeeya oo jaaha iyo muraayada u ah Madaxweynuhu yihiin kuwo aan u qalmin mansabka, kuwaas oo waxay sumcada masuuliyiinta iyo dowlada u dhimaan maahee aan waxba ku soo kordhin karin.    Hadii shalay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole lagu haystay shaqaalihiisa loo baxshay “Aaran-Jaan”, maantana madaxtooyadii waxaa ceegaaga kuwo aan ugu yeeray “Fardo-Jaan”.   Sidaa awgeed, madaxweyne Cabdiweli hadii uu rabo inuu inta uga dhiman mansabka uu bulshada u hayo sharaf ku dhamaysto “legacy” wax lagu xusuustana bulshada uga tago, waa inuu isku wareejiyaa dad u qalma inay jaah iyo muraayad u noqon karaan Madaxtooyada dalka looga taliyo, xafiiskiisu u noqdo goob lagu soo hirto, goob albaabkeedu dadka u wada furan yahay , ee uusan noqon goob laga cararo.

Never assume every critic is a hater….. Everyone is not hating on you…. Someone out there is telling you the truth!

Madaxda dowladuna waa inay noqdaan kuwo diyaar u ah inay maqlaan oo ajiibaan “constructive criticism” talooyinka ka imanaya muwaadiniinta ee looga gonleeyahay wax saxa ee aan looga gon lahayn wax dumiska.

Few people have the wisdom to prefer the criticism that would do them good, to the praise that deceives them.  Francois de La Rochefoucauld

Waa inay masuuliyiintu hangool faraaryo leh isaga qabtaan kuwa nifaaqa iyo dad isku dirka la guuraynaya, wakhtigooda muhiimka ahna ay geliyaan maqalka iyo soo dhawaysashada iyo la saaxiibka kuwa wax toosinaya jecelna horumarka iyo midnimada ummada.  Hadii kale dabin shaydaan bay ku dhici doonaan kuna seegi doonaan talooyin badan oo wax ku ool u noqon lahaa.

Any government that has a sincere desire for reform and progress should understand the benefit of objective and constructive criticism.  Hamad bin Isa Al Khalifa


Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com

Warar la xiriira

Wararkii ugu dambeeyey