Coronavirus: Astaamihiisa, habka uu ku faafo iyo sida looga hortaggo

Image

FAALLO: Wadamada Caalamka ayaa sameynaya dedaallo aan waxba loola harin si xal loogu helo xanuunka 'coronavirus' oo markiisii ugu horeysay lagu arkay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha December 2019.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo caafimaad oo caalami ah oo ku saabsan 'coronavirus' kaasoo dilay in kabadan 3,000 oo qof adduunka oo dhan mudo 2 bilood.

In ka badan 92,000 oo kiis oo cudurka ah ayaa laga soo sheegay adduunka oo idil, badankooduna waxay ku sugan yihiin dalka Shiinaha, oo ah meesha ugu badan ee uu sida aadka ah dadka ugu laynayo.

Waa maxay coronavirus?

Sida ay sheegtay WHO, cudurka Corona waxuu kamid yahay bahda Virus-ka ee sababa xanuunada halista badan, waxaana uu ku dhacaa habdhiska neef-mareenka bini’aadamka, wuxuuna wataa qunfac iyo qandho/xumad, iyadoo qofkii uu ku dhaco aan mudo gaaban ku dili karo, hadii difaaca jirkiisu liito.

Coronavirus wuxuu ku bilawdaa sida hargabka ugu danbeyna noqda cudur aad u daran. Magaca cudurka uu wato wuxuu ka yimid eray Latin ah "corona", oo la micnihiisu yahay taaj.

Halka uu ka yimid coronavirus asalkiisa?

Halka asalkiisa ka yimid coronavirus ayaa la rumeysan yahay inay tahay Suuq lagu magacaabo “Wet market" oo ku yaalla magaaladda Wuhan, kaasoo lagu iibiyo hilibka xayawaanada dhintay iyo kuwa nool, oo ay ku jiraan kalluunka iyo shimbiraha.

Inkastoo aan suuqaas lagu iibin hilibka Fiidmeerta ama Kibiliga, haddana waxaa la sheegay in xawaanno kale, sida digaagga oo cudurka kasoo qaadey Fiidmeerta in goobta suuqa ah lagu iibiyay kadibna ay u gudbiyeen dadkii cunay.

Fiidmeerta ayaa laga qaadaa fayrasyo dhowr ah, oo ay ku jiraan Ebola, HIV iyo rabbaaniyo.

Waa maxay calaamadaha cudurka coronavirus?

Calaamadaha hore waxaa ka mid ah qandho, qufac qallalan, daal, feero-xanuunka iyo neefshada oo dhib ku noqota qof. Mudo u dhaxaysa kow illaa 14 maalmood ayuu kasoo ifbaxaan caalamadaha xanuunka, iyadoo uu howlgab ka dhigi beerka iyo kelyaha.

Siduu ku faafaa coronavirus?

Sida la ogyahay, fayraska waxuu faafiyaa dhibic marka qofka qufaco ama hindhiso. Dhibcuhu waxay ku dhacayaan sagxadaha miisaska dushooda, iyadoo fayruska u gudbo qofkii gacmaha ku taabta meel dhibcaha yaallaan, oo lagu qunfacay ama lagu indhisay.

Dadku waxay ku qaadaan fayrasku markay taabtaan gacmahooda, oo fayruska meel yaalla ku taabteen, kadibna ku gaarsiiya afkooda, sankooda ama indhahooda.

Waxaa la xaqiijiyay inuu xawaanka u guddib karo bini’aadamka, sidoo kalena qof ka qof dadka isagu gudbin karaa, sidaasi darteed waxay khubarada caafimaadka ku teliyeen in la karan-tiilo qofkii ku dhaca cudurka, kuwa aan qabina la talaallo.

Hawada ma la isku marin karaa cudurka?

Waxaa jirta dood ku saabsan arintan, dhaqaatiirta intooda badan waxay aaminsan yihiin in aan hawada la isku marin Karin xanuunka, balse lagu kala qaado taabasho ana dhibcaha qunfaca ama indhisadda.

Daawo ma leeyahay coronavirus?

Ma jirto illaa hadda daweyn gaar ah, in kasta oo dhakhaatiirtu ay baarayaan dawooyinka jira ee loogu talagalay fayraska, oo horeynya loogula dagaalamay Ebola iyo HIV.

Natiijooyinka hore ee baaritaanka waxay u muuqdaan kuwo rajo leh laakiin, ilaa tijaabooyinka caafimaad ee buuxa la soo gabagabeynayo, dhakhaatiirtu ma hubaan inay daawooyinku jira ay waxtar leeyihiin.

Daawada ugu horeyso waxaa la filayaa inay soo baxdo 2021.

Dadka halista ugu jira cudurka

Marka laga hadlayo khatartiisa, waxaad ka ogaan kartaa sida uu u gilgilay caalamka, islamarkaana mudo labo bilood gudahooda uu ku dilay in ka badan 3,000 oo qof, iyadoo uu soo ritay ku dhawaad 100-kun. In ka badan 70 dal, oo Asia, Africa, Yurub iyo America kamid ah ayuu gaarey cudurka.

Waxaa halis ugu jira:

• Qof kasta oo xariir toos ah lasameeya bukaanka qaba cudurkaan ama xanbaarsan viruska.
• Dadka kunool goobaha laga helo virus-kaan ama ka ag dhaw bukaano la ildaran xanuunka.
• Dadka qaba cudurada ku dhaca habdhiska neef mareenka.
• Dadka qaba Cudurka macaanka (diabetes), dadka Kaliyaha ka jiran (kidney disease), dadka uu liito difaacooda jirkooda [Immune system].
• Dadka da’da ah iyo caruurta yaryar ayaa laga yaabaa inay aad halis ugu jiraan.

Sidee looga hortagi karaa Coronavirus?

• Gacmo-dhaqis joogto ah – ku dhaq labada gacmood sabuun
• Daboolida afka iyo sanka xiliga qufaca ama hindhisada iyadoo la isticmaalayo tiish
• Xoojinta difaaca jirka
• In si fiican loo kariyo hilibka iyo ukunta iyo waliba gud ahaan cuntada
• In aad ka fogaatid qof qunfacaya ama indhisaya masaafo hal tillaabo [1 metre]
• Hadii aad dareentid qandho, qunfac ama ku dhibeyo neefsiga, si dhaqso ah ula xiriir dhaqtar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Goorma ayaynu gaarnay in ilamada waalidka loo tuuro taageerada shakhsiga ah?

Dadka ka hadlaya baraha bulshada, Idaacadaha iyo Tlefishinada maaha Jaamac Waddani...

  • Maqaalo

    22-01-2021

  • 09:33AM

Villa Soomaaliya oo u han-qal-taageysa in ay qalad ku saxdo gaf kale

Xukuumadda ayaa dood aan sal lahayn ku difaacdey magacaabiyda guddiyada la duray.

  • Maqaalo

    15-11-2020

  • 09:12AM