Booliska France oo bilaabay raaf ka dhan ah qaxooti ay Soomaali ku jiraan

Image

PARIS, France – Booliska Faransiiska ayaa laba xero oo waaweyn kuna yaala waqoyga magaaladda caasimadda ah ee Paris waxay Khamiistii ka saareen qaxooti ay ku jiraan Soomaaliya taas oo qayb ka ah howlgal raaf ah.

Mas'uuliyiinta ayaa ku cagajugleeyay in ay ka ciribtiri doonan soo galootiga xerooyin kale oo guud ahaan waddanka ku yaala.

Talaabadan amarka ah ayaa kusoo aadeysa xili dowladdu ku dhawaaqday adkeynta shuruucdeeda socdaalka.

Basas ayaa looga soo kaxeeyay meel lagu sheegay in ay sharci darro ku joogeen in ka badan 1,600 oo ruux oo qaxooti ah.

Badankooda ma garanayaa halka ay kusii jeedaan. Liibaan oo kamid ah wuxuu kasoo jeeda Soomaaliya oo uu kaga cararay colaad iyo dagaalo.

"Aad ayaan u walwal-sanay sababtoo ah marka aadan aqoon halka aad aadeyso iyo waxa xiga, aad walwaleysaa. Dabcan," ayuu raaciyey.

Soo galootiga, oo badankooda ah rag kasoo haajiray wadamada saxaraha ka hooseeya ee Afrika iyo qaar kamid ah Bariga Dhexe ayaa hoy ku haysta gudaha iyo daafaha magaaladda caasimada ah ee Paris.

Iyadda oo howlgalada raafka ah ee lagu barakicinayo uu socdo, haddana waxaa lagu waramayaa in la burburiyo goobihii ay ku noolaayeen.

Arbacadii, ra'iisul wasaaraha Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in la xirayo xerooyinka qaxootiga lana joojinayo dhamaan adeegyadii loo fidin jiray "magan-galyo dooneyaasha dhowana yimid".

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa talaabadan ay salka ku hayso walaac ay xukuumadda ka qabto in qaxootiga ay saameeyaan ku yeeshaan coddeynta guud ee soo aadan.

Xerooyinka albaabada loo laabay ayaa waxaa kamid ah mid ku taala magaaladda Calais oo sanadkii 2016-kii la geeyay muhaajiriin badan.

Ciidamadda ayaa si joogto ah u burburiya xerooyinka, waxaana ujeedada ay la leeyihiin lagu macneeyay in ay soo galootiga hal meel isugu tagaan si ay ugu fududaato qab-qabashadooda taas oo qayb ahaan ku guuleysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM