Imaaraadka oo noqday dalkii ugu horeeyay Khaliijka ee la heshiiya Israel

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiista maanta ah shaaciyey in Imaaraadka iyo Israel ay ku heshiiyeen yagleelida xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, wuxuuna ku qeexay "mid taariikhi ah".

Tani waxay ka dhigan tahay guul weyn oo u soo hoyatay Israel, oo aan aqoonsi diblomaasiyadeed ka helin dalal badan oo Bariga Dhexe katirsan, kuwaasoo ay wadaagaan cadaawadda Iran, oo dhowr jeer ku baaqday in Yahuuda laga ciribtiro gobolka.

Waxaa heshiiska qeyb ka ah in Israel joojiso qorshaheeda qabshadda Daanta Galbeed, oo Falastiin katirsan.

Masar iyo Jordan ayaa ah labada dowladood ee carabta oo xiriir diblomaasiyadeed la leh Israel, waxaana Imaaraadkuna uu noqonayaa kii ugu horreeyay wadamada khaliijka oo ogolaado inuu cilaaqaad diblomaasiyasadeed la sameysto Maamulka Yahuudda.

Israel iyo Imaaraadku waxay 25 sano oo iskaashi ah, iyagoo xulufo ku noqday hortagista saameynta siyaasadeed iyo mida military ee Iran ku leedahay dalalka Bariga Dhexe iyo kuwa Carabta.

"Waa guul wayn Maanta heshiis Taariikhi ah oo dhexmaray labadaysa saaxiibo ee Israel iyo Imaaraadka Carabta," ayuu yiri Trump.

Madaxweyne Trump ayaa ku faanaya inuu gaarey guul weyn oo dhinaca siyaasadiisa arrimaha dibadda kahor doorashada Mareykanka ee dhacaysa November 2020.

Dhaxal sugaha Imaaraadka, Mohammed Bin Zayed (MBZ), ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: “Intii aan ku guda jirnay jiray wadahadaladii khadka Taleefonka ee aan la yeeshay madaxweyne Trump iyo Raiisul wasaare Netanyahu, waxaan isla meel dhignay heshiis ah in la joojiyo qabsashada Israel ee dhulalka reer Falastiin. Imaaraadka iyo Israel waxay kaloo ku heshiiyeen iskaashi iyo dejinta qorshe-hawleed lagu aasaasayo xiriir laba geesood ah. ”

Dhinaca kale, Sarkaal sare oo katirsan Falastiin, Hanan Ashrawi ayaa dhaliishay heshiiska, iyadoo qoraal ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka ku sheegtay inuu sii dheeraynayo haysashada Israel ee Daanta Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM