Deni oo balan-qaadey ilaalinta sareynta sharciga iyo xaq-siinta ciidamada Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni, oo maanta xilka la wareegay ayaa balan-qaadey in lacagta ugu horeysa ee ka baxda qasanadda dowladda la siin doono Ciidamada iyo shaqaalaha rayidka.

Deni, oo la doortay 8-dii bishan ayaa sheegay in mamulkiisa ku dadaali doono illaalinta sharciga iyo soo celinta kala dambeyn.

Deni oo ah dhaqaalo-yahan ayaa bedalaya Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] kaasi oo xafiiska joogay Shantii sano ee lasoo dhaafay, loogana adkaaday doorashadii 8-dii Janaayo 2019, oo ku haray wareegii 1aad.

"Cid kasta oo ku xadgudubta Qaanuunka iyo Shuruucda utaalla dalka, hadii ay noqoto mid maaliyadeed iyo mid maamulba, talaabo deg deg ah ayaan ka qaadi doonaa, hadii Ilaahey idmo..Cid aan uga heebaysan doono ilaalinta sharciga ma jiri doono..qof walboo udiyaar-garow, wixii uu sharcigu qabo," ayaa laga soo xigtay.

Gaas oo uu ku tilmamaay inuu ahaa "shaqsi dulqaad badnaa mudadii uu xukunka hayey" ayuu tibaaxay Deni inaanu jirin xog ay leedahay Puntland oo uu latagayo, isaga oo xusay in lagu wareejiyay wax kasta.

"Madaxwaynaha waxaan si rasmi ah ugala wareegay dhamaan dukmiintiyadii iyo qoraaladii ay dowladdu ku shaqaynaysay, kuwa la ogaa iyo kuwa qarsoonaa intaba...xog ay PL leedahay oo naga qarsoon ma jirto," ayuu yiri.

Deni ayaa balanqaaday inuu xafidi doono sirta DPL, dhameystirka mashaariicyada iyo soo kordhinta wax cusub oo sare uqaadaya maqaamka Puntland, isaga oo ka dalbaday shacabka inay garab istaagaan dowladiisa.

"Waxaan ku faano oo aan leenahay ayaan ka rajaynayaa inaan ka shaqayno…shacabka ha u istaagaan ka shaqaynta midnimada iyo wadajirka," ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxwaynuhu.

Ciidamada ayuu Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ugu baaqay inay baaqi kusii ahaadaan goobihii ay markii hore ku sugnaadaan, ayna ka hortagaan wax kasta oo khal-khal gelinaya amniga Puntland.

"Marka aan wax ka bedalno, oo aan saxno waxa khaldan, muushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda waa qarasha ugu horeeya ee ka bixi doona khasnada dowladda, hadii ELLE idmo, si joogto ah ayaana ubixin doonaa," ayuu daba dhigay.

Ugu dambeyntii, wuxuu faray saraakiisha ku shaqada leh canshuur qaadista inay dar-dar geliyaan howlahooda, isaga oo muwaadniinta cod dheer kaga cod-saday bixinta xuquuqda ay dowladdu ku leedahay si ay toodana u helaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM