GAROWE: Qof ka baxay ururka Takfiir oo lasoo bandhigay

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe gaar ahaan xarunta gobolka Nugal lagusoo bandhigay xubin kamid ah ururka Somalidu u taqaanoTakfiir, kaasoo muddo ku jiray gacanta laamaha amniga.

Ninka lasoo bandhigay oo lagu magacaabo Cabdirasaaq Cabdiraxmaan Kulan, ayaa warbaahinta u sheegay in fikirkaasi oo aaminsanaa muddo uu ku qiyaasay 6 sano,balse uu ka laabtay sababo ay kamid tahay cabsi galin iyo inuu u arkay Mabda’a kooxdaas oo ah mid khaldan, sida uu hadalka u yiri.

“Waxaan halkaan ku cadaynayaa inaan kamid ahaan jiray ururka lagu sheegay Takfiir, oo aan hadda bari ka ahay, waxaana cadaynayaa inaan ka laabtay go’aankaas,” Ayuu yiri Kulan.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray mar la weydiiyay sababta uu mabda’iisa uga noqday, “Dowaladduna waa i cabsi galisay, waxaana u arkay inuu yahay fikir Khaldan.”

Waxaa sidoo kale jira xubno kale oo kamid ah ururka Al Saaciduuna Bil Xaq ee fadhigiisu yahay Masar oo la sheegay inay kasoo laabteen go’aankoodii hore kuwaasoo sida maamulka gobolka Nugal sheegay shaacin doona salaadda Duhur kadib.

Tallaabadan ayaa timid markii maamulka Puntland uu sheegay inuu la dagaallami doono dhammaan cid kasta oo katirsan kooxdaas iyadoo ka mamnuucday deegaanadeeda, waxayna sheegeen inay u arkaan koox khatar ku ah caqiiqada Islaamka.

Waa markii ugu horaysay qof kamid ah kooxdaas uu sheegay inuu ka baxay Takfiir kaasoo hada lala xiriiriyo inuu u xuub-siibtay Al Saaciduuna Bil Xaq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay degmada Dangoronyo

Shilkaan ayaa ku soo beegmaya kadib markii xalay Roobab daadad wata ay ka da'een Gobalada Puntland.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 12:57PM

UK oo bilowday wadahadal ku saabsan inuu toos ula macaamilo Puntland

Dowladda Puntland ayaa horey u dalbatay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 09:51AM