Shir ka dhacay Afrika oo ku baaqay cunaqabatayn ka dhan ah Israa'iil

Image
Kulankan ayaa waxaa yeeshay dalalka xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano OIC.

NAIROBI, Kenya - Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa cambaareeyay "xasuuq" ka socda Gaza, iyaga oo ku boorriyay 57-ka waddan ee xubnaha ka ah inay cunaqabatayn ku soo rogaan Israa'iil, sidda lagu sheegay qaraarka kasoo baxay shir madaxeedkii Gambia.

Ururka ayaa ugu baaqay xubnahooda in ay cunaqabatayn ku soo rogaan Israa’iil iyo joojinta dhoofinta hubka iyo rasaasta ay ciidankoodu u adeegsadaan dembiga xasuuqa ee Gaza.

Qaraarka Axadda ayaa sidoo kale waxa uu dalalka xubnaha ku booriyay "inay cadaadis dublamaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharciba sameeyaan oo ay qaadaan tallaabo kasta oo lagaga hortagayo si loo joojiyo dembiyada gumaysiga Israa'iil, iyo dagaalka xasuuqa ah ee ay ku hayso dadka Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan cunaqabatayn lagu soo rogayo”.

Qaraarka oo lala wadaagay warbaahinta maxaliga ah ayaa sidoo kale waxa uu si ballaaran ugu baaqday "xabad joojin degdeg ah, joogto ah iyo shuruud la'aan".

Ururka OIC oo la aas aasay 1969-kii kadib markii la gubay Masjidka Al Aqsa ee ku yaala bariga Quddus ee la haysto. OIC waxaa ujeedada loo sameeyay tahay kordhinta midnimada Muslimiinta, taageerida Falastiin iyo difaacida goobaha barakeysan ee Muslimiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM